SAWIRRO: Guddiga Tiro-koobka Shaqaalaha dawladda Puntland oo bilaabay Tiro-koobka rasmiga ah

GAROOWE(P-TIMES)- Guddiga Dibu habeynta Shaqaalaha dawladda Puntland ayey u tahay maalintii labaad oo ay si rasmi ugu guda-jiraan tiro-koobka guud ee Shaqaalaha rayidka ah, oo shalay ay daah-fureen Masuuliyiinta Madaxtooyada, Guddiga Dibu habeynta & Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dawladda Puntland.

Shaqaalaha la tiro-koobay ayaa bogaadiyey talaabadan ay qaaday dawladdu, waxayna cadeeyeen in ay ku qanacsan yihiin go’aamada dawladda ee la xariirta helitaanka tirro rasmi ah oo ah Shaqaalaha dawladda.

Saraakiishu waxay sheegeen in ay shaqadan si toos ah uga socon doonto gobalada oo dhan, isla markaasna ay talaabadan qeyb ka tahay qorshaha horumarinta oo ay ka wada shaqeyn doonaan dawladda iyo Bangiga Aduunka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha dawladda Puntland oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan talaaboyinka tiro-koobka, isagoo cadeeyey in ay si rasmi ah u tagi doonaan degmooyinka oo dhan.

SAWIRRO.

    

Leave a Comment