SAWIRRO: Tiro-koobka Shaqaalaha Puntland oo laga bilaabay magaalada Boosaaso, Xaggeese la tagay maanta?

BOOSAASO(P-TIMES)- Guddiga Tayeynta & Tiro koobka Shaqaalaha dawladda Puntland ayaa gaaray gobalka Barri, gaar ahaana magaalada Boosaaso waxayna bilaabeen tiro koobka Shaqaalaha dawladda ee kusugan gobalkaas.

Guddiga ayaa maanta tiro koob rasmi ah ku sameeyey Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada ee dawladda Puntland, waxayna Xaafiis kasta oo ay booqdeen ay ku arkayeen shaqada oo socota iyo Shaqaalaha oo la diwaangaliyey.

In la ogaado tiradda rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda Puntland, isla markaasna la ogaado tayada Shaqaalaha ayaa qeyb ka ah waxyaabihii uu balan qaaday Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Guddiga ayaa maalmaha nagu soo aadan kusugnaan doono gobalka Barri, waxayna ogaan doonaan tiradda rasmiga ah ee Shaqaalaha dawladda oo ay tiring doonaan, waxayna maanta tiriyeen Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekedda.

SAWIRRO.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada