DAAWO SAWIRRO: Dawladda Puntland oo bilowday Tiro-koobka Shaqaalaha dawladda ee kusugan gobalka Karkaar

QARDHO(P-TIMES) – Guddiga Tiro-koobka Shaqaalaha dawladda Puntland ayaa gaaray magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, waxayna halkaas ka bilaabeen tiro-koobka Shaqaalaha dawladda oo ay horey uga sameeyeen gobalada Barri & Gardafuu.

Shaqaalaha dawladda ee kusugan gobalkaas oo dhan ayaa la marinayaa Hanaanka dibu eegista iyo tiro-koobka Shaqaalaha dawladda, iyadoo ay madasha soo xaadireen shaqaaluhu.

Gudoomiyaha gobalka Karkaar Cabdillaahi Siciid Caarshe (Dhaqaaje) oo furitaankii manta ka hadlayey ayaa bogaadiyey talaabada dawladdu ay u qaaday arrintan, isagoo sheegay in ay tahay mid muhiimad weyn ugu fadhida shaqaalaha.

Mr, Dhaqaaje ayaa sheegay in qorshahan ay tahay markii koowaad oo laga hirgaliyey Puntland, ayna waajib ku tahay shaqaale kasta in ay Isdiwaangaliyaan si loo ogaado tiradda, tayadda iyo baahida Shaqaalaha dawladda Puntland ay qabaan.

Mashruuca Tiro-koobka iyo dibu habeynta Shaqaalaha dawladda Puntland ayaa horrey looga soo sameeyey gobalada Barri & Gardafuu, waxaana sidda qorshuhu yahay la tagi doonaa dhamaan gobaladda Puntland ee harray.

SAWIRRO.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada