DAAWO SAWIRRO: Guddiga Tiro-Koobka Shaqaalaha Dawladda Puntland oo tiro koob ka bilaabay G Mudug

GAALKACYO(P-TIMES) – Guddiga Tiro-Koobka Shaqaalaha ee dawladda Puntland ayaa ka bilaabay gobalka Mudug Tiro-koobka Shaqaalaha dawladda ee kahowlgala gobalkaas, waxaana laga daahfuray xarunta maamulka gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Ujeedada laga leeyahay tiro-koobkan ayaa ah in sare loo qaado tayadda shaqaalaha dawladda, lana ogaado goobaha ay ku sugan yihiin iyo heerkooda aqooneed, waxaana inta badan la mariyey shaqaalaha dawladda ee gobalkaas.

Maxamuud Saalax Axmed (Caato) Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda, kana mid ah guddiga howshan loo xilsaaray ayaa bogaadiyey sidda wanaagsan ee ay shaqaaluhu u soo ajiibeen waqtiga balanta.

Mr, Caato ayaa ku sifeeyey in ay talaabadan tahay mid horumar leh, isagoo cadeeyey in ay tahay markii 2aad oo tirokoobkan oo kale laga sameeyo gobalka Mudug iyo gobalada oo dhan.

Shaqaalaha dawladda ayaa ku faraxsanaa talaabadan tiro-koobka, waxayna uga mahad celiyeen guddiga sida wanaagsan ee ay u soo gaareen, iyagoo sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee dawladdu dib u eegto shaqaalaheeda.

Mashruuca Tiro-koobka iyo dibu habeynta Shaqaalaha dawladda Puntland ayaa horrey looga soo sameeyey gobalada Barri, Gardafuu, Karkaar iyo Nugaal, waxaana sidda qorshuhu yahay la tagi doonaa dhamaan gobaladda Puntland ee harray.

SAWIRRO.

Leave a Comment