SAWIRRO: Dawladda Puntland & Bangiga Aduunka Oo tababar uga furay Garoowe Shaqaalaha dawladda Puntland.

GAROOWE(P-TIMES)-Dawladda Puntland & Bangiga Aduunka ayaa markii ugu horeysay tababar u furay qaar kamid ah Madax qeybeedyo dhawaan loo qaatay Wasaaraddaha dawladda Punland, kuwaas oo qeyb ka ah iskaashiga dhexmaraya dawladda & Bangiga Aduunka.

Shaqaalahan ayaa qeyb ka ah tababaro la siinayo Shaqalaaha dawladda  iskugu jira 180 shaqaale oo dhawaan ku guuleystay Imtixaanka loo galayo Mashruuca dibu u tayeynta shaqaalaha dawladda Puntland iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaraddaha.

Tababarka maanta ayaa loo furay wajigii koowaad ee shaqaalaha dawladda, kaas oo ay soo xaadireen shaqaale kala duwan oo lagu casumay.

Burhaan Cabdullaahi oo ka socday Guddiga Dibu habeynta Shaqaalaha dawladda ee la shaqeeya Bangiga Aduunka ayaa sheegay in ay talaabadan qeyb ka tahay dadaalada loogu jirro in garaadka iyo aqoonta shaqaalaha kor loogu qaado, si ummadda si wanaagsan loogu adeego.

Agaasimaha Dhalinyaradda & Ciyaaraha ee dawladda Puntland Axmed Cabdalla Tigaana oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay tanni qeyb ka tahay dadaalada ay dawladdu ku jirto, wuxuuna kula dardaarmay in ay Shaqaaluu si wanagasan uga faa’iideystaan tababaradan oo isku jira qeybo kala duwan.

Madax ka socotay Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe oo ah halka bixinaysa tababaradan ayaa sheegay in looga baahan yahay Shaqaaluhu in ay si wanagasan u soo xaadiraan casharadan oo ay ka faa’iideystaan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda qorsheynta & Xariirka caalamiga ah ee dawladda Puntland ayaa sheegay in ay talaabooyinkan qeyb ka yihiin horumarinta ay Madaxda dawladdu ugu jiraan sidii loo heli lahaa shaqaale tayo wanaagsan leh, isla markaasna si wanaagsan ugu adeega Shacabkooda.

SAWIRRO.

Leave a Comment