Arsenal Oo WadahadalloLaFurtay Dafaac Marseille Ee Christopher Rocchia

 Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah Wadahadlo ula furtay daafaca kooxda Marseille ee Christopher Rocchia iyada oo doonaysa in ay adeegiisa soo gacan galiso suuqa January.

Christopher Rocchia ayaa ka mid ah xiddigaha u soo baxaya kooxda Marseille laakiin 19 jirkan ayaa si joogto ah loola xiriirinayay in uu isaga tagayo kooxda ku ciyaarta garoonka Orange Velodrome.

Waxa la fahamsanyahay in agaasimaha kooxda Borussia Dortmund ee Michael Zorc uu xiiso weyn u qabo da,yarkan laakiin kooxda reer Germany ayaa tartan adag kala kulmaysa kooxda Arsenal marka la gaaro January.

 Wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in Arsenal indha-indheeyayaal u dirtay da,yarka xilli uu da,yarkan wacdaro ka dhigayo kooxdiisa.

Waxa la sheegayaa in Gunners u dhaqaaqi doonto adeega Rocchia inkasta oo uu Arsene Wenger kooxda ku haysto daafaca bidix ee Sead Kolasinac.

Da,yarkan ayaa dhankiisa diyaar u ah in uu ku soo biiro kooxaha waaweyn ee reer yurub xilli uu midkood u dhaqaaqi doono Germany ama England

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




.




%d bloggers like this: