DHAGEYSI XASAASI AH: ‘’ Dagaal Gaalkacyo ka dhacaa wuxuu noqon doonaa mid lagu kala guuro’’ Waxgaradka G Mudug

abadoonada iyo Waxgaradka ee gobalka Mudug ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedooyinka iyo dagaalada ay wadeen Galmudug maalmihii lasoo dhaafay, waxayna cadeeyeen in falalkaasi u muuqdeen kuwa looga soo horjeedo daganaanshaha iyo nabadda guud ee mandiqada.

Waxgaradka ayaa sheegay in marar badan ay dadkooda ku wacyigalin jireen nabadda iyo daganaanshaha, laakiin dhinaca Galmudug ay waxba ka socon waayeen.

 Nabadoonadan ayaa cadeeyey in dagaal hadda ka dhaca Gaalkacyo, salkiisu noqon doono mid aan la mahdin doonin, gaar ahaana uu noqon doono mid lagu kala qabsado magaalada Gaalkacyo.

Waxay ugu yeereen Shacabka Puntland in ay is difaacaan oo waajib ka saaran yaahy naftooda, maadaama ay sheegeen in nabadii ay ugu maqnaayeen ay socon weyday, waxba garowshiyo ahna ay ka waayeen dhinaca Galmudug.

 Wararkan ka soo baxaya magaalada Gaalkacyo ayaa ah kuwa xambaarsan dhiilo colaadeed oo halis galinaysa xaaladda mandiqada ee ay hadda ku sugan tahay, waxaana cabsi laga qabi karaa wax kasta oo nabaddaas dhib ku siyaadinaya.
HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

 Puntland iyo Galmuduga ayaa horaantii bishan gaaray heshiis Is faham ah oo la xariira nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada gobalkaas, balse heshiiskaas ayaa u muuqda mid aan fulin markii ay dhaceen duulaamo iskaga dambeeyey miyiga iyo gudaha magaaladaas.

One Comment

  1. mohamud m ali. ku magac dheer,,,,libaax says:

    hadii talo la iga qaadan lahaa waxaan waa sahlan yihiin,,,shacabka iyo wax garadka galkacyo ugu baaqayaa nabada waa nolosha lagu toobo keensado oo ilaah lagu caabido,,,marka ugu horreyso yaa ka mas,ul ah amniga gobalka mudug iyo gudi loo sameeyo, ciiden u gaar ah iyo qalab kiisa mushar kiisa sirdoon hela cobtar iyo in cirka laga ilaalsho askar dhar caadi wadato tv news oo aduunka la tuso waxa ka dhaca galkacyo markaas ka dib dagaal toos ah oo aan loo kala harin lagu qaado nabad diidka ku dhuunta qabiilka uu ka soo jeedo taas oo ah wax aan u fiicneen laba qabiil,,,cabdi wali gaas has to go,,,barlamaanka puntland ku dara,,,aaway shaqadii loo diray taas oo ah amniga shacabka puntland

Leave a Comment