DHAGEYSI XASAASI AH: Mid kamid ah Nabadoonada G Mudug ee Puntland oo si adag uga hadlay colaadda taagan

GAALKACYO(P-TIMES) – Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf Xaarin oo kamid ah waxgaradka gobalka Mudug ee dhanka Puntland ayaa si adag uga hadlay xaaladdaha hadda ka aloosan ee gobalkaas, gaar ahaan colaadda saacadihii ugu dambeeyey ka dhacayey.

Nabadoon Xaarin ayaa sheegay in weerar kasta oo ay soo qaadayeen Galmudug tan iyo wixii ka dambeeyey heshiisyadii dhawaan la galay iyo kuwii ka horeeyeyba.

Nabadoonka ayaa cadeeyey in dulqaadkii ka dhamaaday dhinacooda oo ay xooga saarayaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen weerarada abaabulan ee Galmudug.

Nabadoonka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku baaqayo in lajoojiyo dagaalka iyo xiisadaha ka dhacaya Barriga gobolka Mudug hadii kale ay u diyaar garoobayaan dagaal sida uu sheegay nabadoo C/casiis Yuusuf Aw-Xaarin.

Dagaalkii saaka ee ka dhacay Bariga gobolka Mudug ayaa dhawaciisa la gaarsiyey xarumaha Caafimaadka ee gobolka Mudug gaar ahana degmada Gaalkacyo.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

One Comment

  1. Realpunt says:

    Waa la soo daahdeen warkaan!
    Mudo badan baad dadka hoosaasinayseen

Leave a Comment