FAAHFAAHIN: Xiisad dagaal oo ka jirta duleedka barri ee magaalada Gaalkacyo & Galmudug oo ciidamo cusub geysay

GAALKACYO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in cabsi dagaal ay ka jirto deegaano kuyaala barriga gobalka Mudug, gaar ahaana agagaarka Jeexdin iyo Hoos-dimaha ku aadan oo ay marar badan ka dhaceen dagaalo dhexmaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Wararka ayaa cadeynaya in ay labada dhinacba kordhiyeen saacadihii ugu dambeeyey joogitaankooda goobahaas, gaar ahaana wixii ka dambeeyey dhacdadii shalay lagu weeraray baabuur rakaab ah oo marayey agagaarka deegaanka Gacma-fale.

  Ciidamo ka soo jeeda dhinaca Galmudug, watana gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayey saacadihii lasoo dhaafay deegaano kamid ah deegaanka Jeexdin, sidda ay wararku sheegayaan,

Sidaas oo kale dadka reer miyiga ah ayaa hadda ka durkaya agaaga ay is leeyihiin dagaalo ayaa ka dhici kara, waxaana Soohdimaha labada dhinac ay ahaayeen goobo colaadeed inta badan.

 Sidaas oo kale ciidan ka soo jeeda dhinaca Puntland ayaa shalay gaaray goobtii uu ka dhacay weerarkan, waxayna sidaas oo kale Puntland kordhisay heeganka ciidamadeeda kusugnaa goobahaas, oo ay ka bilaabeen howlgalo amni sugid ah.
Ma jiraan faahfahin madax banaan oo ay bixiyeen labada dhinac, balse warar hoose ayaa sheegaya in cabsi laga qabi karro xiisad colaadeed oo mar kale dib uga dhacda deegaanada barriga ee gobalka Mudug.

Shirar ku aadan nabadda iyo Is difaaca dhinacyada ayaa ka socda Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana sidda muuqata meesha ka baxay heshiiskiia y dhawaan gaareen Puntland iyo Galmudug kaas oo damaanad qaadayey nabad ka dhalata gobalka Mudug.

Leave a Comment