Maxaa Ay Ka Wada Hadleen Ra’iisulwasaare Kheyre & Madaxda Dalalka Soomaaliya Ciidamadu Ka Joogaan ? (SAWIRRO)

NEW YORK(P-TIMES)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxda dalalka ay Ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, iyadoo kulankan looga halday arrimo ku saabsan howl galada AMISOM iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Jabuuti, Kenya, Burundi, Madax ka tirsan Ururka Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa ka dalbaday in la dar dar geliyo howl galada Ciidamada AMISOM ka wadaan dalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahad celiyay dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya kaalintooda ku aadan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta oo Jimco ah waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka guud ee Qaramada Midoobey, khudbada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka horeyn doonta khudbad uu jeedin doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

SAWIRRO.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada