Real Oo Hormar Ka Gaartay Hishiis Kordhinta Ronaldo,Imisa Ayuu Sanadkii Helayaa

Xiddiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid sida laga soo xiganayo wargayska The Sun.

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid kaas oo miiska loo saari doono mushahar waali ah oo uu kaga kor maro xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Xiddiga reer Portugal ayaa haatan ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda ku ciyaarta Bernabeu laakiin waxa uu doonayaa in uu dhaafo xiddiga boqorka u ah Camp Nou.

 Ronaldo ayaa haatan mushahar ahaan uga qaata kooxda difaacanaysa champions league lacag dhan 19.5 milyan euro sanadkii.

Laakiin wargayska Naij ayaa sheegaya in uu doonayo in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub isaga oo mushaharkiisa haatan ku darsan doona 7.5 milyan euro.

32 jirkan ayaa haatan Los Blancos kula jira heshiis dhamaanaya sanadka 2021, si kasta ha ahaatee waxa uu doonayaa in uu kooxda u saxiixa heshiis hal sano oo kale kadibna waxa uu heli doonaa lacag ku dho 105 milyan oo euro

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.




.




.




%d bloggers like this: