WAR DEG DEG AH: Ciidamada Difaaca PL oo duleedka Boosaaso ku qabtay Dooni Hub-sidey

BOOSAASO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay ciidamada Badda Puntland ay qabteen doonida hub-sidey, waxayna hadda ciidamadu doonidaas kusoo wadaan marsada magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadu la socdeen dhaqdhaqaaqda doonidan oo ay kala war-qaateen ciidamada Caalamiga ah ee Ilaalada ka haya biyaha Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamadaas hogaamisa ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan ilaa hadda wararka ku xeeran doonidan, waxaana socda baaritaano ay qeyb ka yihiin laamaha kala duwan ee ciidamada Amniga Puntland.

Warsidaha Puntlandtimes warar soo gaaraya ayaa sheegaya in doonidan ay ka soo shiraacatay mid kamid ah Xeebaha Yemen, oo ay kusocotay gudaha deegaanada Puntland.

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxo Argagixiso ah oo kusugan buuraleyda gobalka Barri, waxaana kooxahas marar badan la sheegay in ay hubka ka helaan dhinaca Yemen.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada