WAR DEG DEG AH: Hub Urursi ka socda Gaalkacyo & Nabadoonaddii Nabadda raadin jiray Oo ka aamusan.

GAALKACYO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in aysan jirin ilaa hadda cid katirsan labada dhinac oo ka wada hadashay sidii loo joojin lahaa colaadaha dib uga bilowday barriga magaaladaas, kuwaas oo halistooda laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato gudaha Gaalkacyo.

Labada dhinacba waxay maleeshiyaad kala duwan u direen agaagii saaka lagu dagaalamay oo ay haddeer xiisad ka jirto, waxaana sidaas oo kale cabsi laga qabaa dagaal ka dhaca gudaha magaalada Gaalkacyo.

Sidda muuqata jawiga deegaanada barriga gobalka Mudug ayaa ah mid aan daganeyn, waxaana saacad kasta dib u bilaaban karro dagaalo labada dhinac dhexmara.

Maleeshiyaadka labada dhinacba waxay wadaan hub Arursi iyo dagaal cusub abaabulkiis, taas oo muujinaya xaalad daganaansho la`aaneed oo hadda taagan.

Nabadoonada iyo Waxgaradka Puntland iyo Galmudug oo horey arrimahan xal uga gaari jiray ayaa hadda gabi ahaanba gacmaha ka laabtay, waxaana laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo xiisadda dagaalkaas.

Waa sannadkii 3aad oo ay dhinacyadan ku dagaalamayaan duleedka magaalada Gaalkacyo, ka dibna ay ku faafiyaan gudaha magaaladaas, taas oo saameynteedu noqontay mid saameyn ku yeelata xaaladda gobalka Mudug.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada