WAR DEG DEG AH: M/weyne Gaas oo shir gudoominaya Kulan xasaasi ah oo ay Golaha Xukuuamdiisu ku yeelanayaan Boosaaso, loogana hadlayo…

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoomin doona kulan ay yeelan doonaan xubnaha golaha Xukuumadiisa, oo ka dhacaya magaalada Boosaaso, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Kulanka golahan ayaa lafilayaa in looga wada hadlo arrimaha ku aadan Amniga, La dagaalanka Argagixisada, Mashaariicda socota, kuwa bilaabanaya, Xeerar cusub oo laga doodayo iyo Xaaladda nabadda ee gobalka Mudug.

 Madaxweynaha Puntland ayaa iskugu yeeray golaha Wasiiradda magaalada Boosaaso, waxayna maalmihii ugu dambeeyey lahaayeen kulamo gaar-gaar ah oo ay uga hadlayaan xaaladdaha Amniga.

Wasiiradda Amniga iyo Arrimaha ee Puntland ayaa kulamadii ugu dambeeyey la qaadanayey Laamaha Amniga oo ay ka wada hadlayeen arrimaha ku saabsan amaanka.

 Saraakiil ku dhaw dhaw shirarkan ayaa sheegaya in lasoo saari doono warsaxaafadeed ku aadan waxyaabaha laga wada hadlay, si gaar ahna waxaa diiradda loo saari doonaa xaaladda nabadda ee gobalka Mudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa lafilayaa in uu todobaadka nagu soo aadan gaaro magaalada Muqdisho, oo uu kaga qeybgalayo shir ay leeyihiin Hogaamiyaasha Siyaasadda ee Soomaaliya.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada