WAR DEG DEG AH: Nabadoonada & Waxgaradka G Mudug ee Puntland oo leh kulan xasaasi ah oo ay uga hadlayaan duulaanka Galmudug

GAALKACYO(P-TIMES)- Odayaasha iyo Waxgaradka gobalka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo ayaa leh kulamo ay uga hadlayaan ficiladii ugu dambeeyey ee dabley ka soo jeeda Galmudug  ay weerar uga geysteen deegaano ku dhaw barriga gobalka Mudug.

Shirkan ay leeyihiin xubnaha guddiga Nabadgalyadda ee gobalka Mudug iyo Odayaasha dhaqanka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii nabadda loo sugi lahaa, sidaas oo kalena lays kaga difaaci lahaa talaabo kasta oo ka timaada dhinaca Galmudug.

 Odayaasha ilaa hadda hadlay ayaa sheegay in ay Galmudug u muuqato mid u diyaar garowday dagaal kale oo ay ka rido gobalka Mudug, miraha ka dhashanaa ay noqon doonaan kuwa aan farxad galin mandiqada oo dhan.

Weerarada joogtada ah ee socda iyo falalka dilalka ah ayay ku eedeeyeen in ay tahay qadiyad ka dambeeyaan dhinaca Galmudug, ayna ka hortagayaan talaabo kasta oo nabadda looga soo horjeedo.

 Sidaas oo kale shirkan ayaa lafilayaa in laga soo saaro warsaxaafadeed ku socdo Beesha Caalamka, gaar ahaana goobjoogayaasha wada hadaladii ugu dambeeyey oo markhaati ka ahaa dadaalada nabdeed iyo heshiisyadii u dambeeyey ee lagu gaaray magaalada Gaalkacyo.

Leave a Comment