WAR DEG DEG AH:- Xiisad Ka Dhalatay Tageeradii Xaaf Ee Isbaheysiga Sacuudiga Oo Ka Taagay Cadaado Iyo Shirar Gaar gaar Ah Oo Socda

CADAADO(P-TIMES)-Qaar ka mid ah golaha wasiirada Dowlada goboleedka Galmudug ayaa taageero u muujiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle kadib markii Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay ka soo horjeesteen go’aankii uu ku taageeray dowlada cunoqabataynta ku soo rogay dalka Qadar.

Wararka ka imanaya  magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa  sheegaya in  kulan deg deg ah ku leeyihiin Xubno ka tirsan Wasiirada Galmudug.

Waxaa la filayaa in kulankaan lagu taageeri doono go’aankii uu qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayaa dhinacooda la sheegay in ay abaabulayaan kulamo kale oo looga soo horjeedo Madaxweyne Xaaf.

Arrimaha khilaafka ka taagan ee Bariga Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka dhex abuuray maamulada dalka waxaana khilaafkan uu salka ku hayaa sharcinimada in maamul goboleedyada  ay awood u leeyihiin in ay ka hadlaan arrimaha dibadda.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada