WARARKII u dambeeyey Xiisado colaadeed oo ka jira barriga G Mudug

GAALKACYO(P-TIMES)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa xiisado colaadeed oo ka jira barriga gobalka Mudug, oo ay isku hayaan maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, waxaana saacadihii ugu dambeeyey dhacay weeraro hubeysan.

Wixii ka dambeeyey weerar ay maleeshiyo Galmudug ah ku qaadeen baabuur rakaab siday oo ka yimid deegaanka Bali-Busle, waxaa sii kordhaya dhiilada colaadeed ee labada dhinac.

Warbaahinta maxaliga ah ee gudaha Gaalkacyo ayay labada dhinac isku marinayaan Hanjabaado daaran colaad sokeeye oo mar kale ka dhacda gobalka Mudug, taas oo aysan soo dhaweyn Shacabka magaalada.

Odayaasha labada dhinac oo horey u ahaa dhexdhexaadiyasha nabaddan ayaa hadda u muuqda in aysan ku sii jeedin taasi, bedelkeedana waxay muujiyeen dadaalo dagaal ay ku hurinayaan.

Maamulka gobalka Mudug iyo Odayaasha Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku eedeyeen dhigooda Galmudug in ay wadaan daan-daansi dagaal oo ay ka soo jeedaan nabad waarta oo ka dhacda gobalkan, sidaas oo kale ay wadaan weeraro aan kala joogsi laheyn.

Leave a Comment