XOG MUHIIM AH: Maxay ka wada hadleen RW Kheyre & Dhigiisa Itoobiya oo ku kulmay NEW YORK?

NEW YORK(P-TIMES)- Ra`iisulwasaaraha dawladda FAderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kusugan xarunta Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ayaa la kulmay dhigiisa dalka Itoobiya oo isna u yimid New York ka qeybgalka shirka Qaramada Midowbay ee sannad kasta la qabto.

Shirka labada dhinac ayaa looga hadlay xaaladdaha Amniga xaduuda, iskaashiga Amniga, Maxaabiista ku xiran Xabsiyadda Itoobiya iyo arrimo kale oo ay ku jirto qadiyaddii mid kamid ah Saraakiisha ONLF.

 Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa uga mahad celiyey dawladda Faderaalka Soomaaliya, gaar ahaana Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre sidda ay uga go`an tahay in labada dal ay ilaashadaan horumarkooda, sidaas oo kalena ay wadajir ula dagaalamaan kooxaha Argagixisada ugu yeeray.

Wuxuu sheegay in talaabadii mid kamid ah Saraakiisha ONLF loogu soo wareejiyey Itoobiya ay muujinayso wajiga wanaagsan ee Soomaalida iyo sidda ay uga go`an tahay in dalkan noqdo mid amni hela, sidaas oo kalena laga amaan helo.

 Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa u balan qaaday dhigiisa Itoobiya in ay diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo wax kasta oo dhib iyo carqalad ku ah amniga geeska Africa.
Mr, Kheyre wuxuu kaloo sheegay in ay u baahan yihiin si wadajir ah loola dagaalamo kooxaha Argagixisada, sumadii ay doonan ha wataane, taasna ay tahay masuuliyad saaran madaxda dalalkan ayna waajib ku tahay hadba cidii masuuliyadda wada.

Soomaaliya ayaa dhawaan ku wareejisay dawladda Itoobiya mid kamid ah Madaxdii ONLF, taas oo ay kala kulmeen waji gabax weyn oo dhanka baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ah, mana jirto meel ilaa hada si cad loogu faah-faahiyey talaabooyinkaas.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada