Dagaal culus oo wali ka socda gudaha Hotelka Naasa-Hablood & Masuuliyiin caan oo ku jira Qolalka

MUQDISHO(P-TIMES)- Rasaas xoog leh ayaa wali ka socota gudaha Hotelka Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho oo ay galabtay galeen maleeshiyaadka kooxda Argagixisada ah ee Al- Shabaab, waxaana ilaa hadda la xaqiijinayaa dhimashada in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan masuuliyiin horey xilal u soo qabtay, kuwa hadda hayey iyo Saraakiil katirsan laamaha Amniga ee dawladda Faderaalka.

Dabley hubeysan ayaa la dagaalamaya ciidamada dawladda Soomaaliya oo kusugan gudaha Hotelka, waxaana rasaasta xoogeeda la maqlayaa mararka qaarkood, iyadoo ay xiligan Soomaaliya ku sii durkayso Saacada Saqdii dhexe.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in illaa labo maleeshiyo ay gudaha Hotelka ku jiraan, isla markaana uu socdo howl gal lagu soo afjarayo weerarka.

Ciidamada dawladda ayaa adeegsanaya hubka culus oo ay ku garaacayaan dabaqyada Hotelka NAASA-HABLOOD 2, waxaana la maqlay dhawaaqa oo si daran looga maqlayo gudaha magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa goor sii horeysay barahooda Internet-ka ku sheegay in weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar weyne.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano gaashaan iyo kuwa kale ee Nabadsugida ay ka qeyb qaadanayaan howl galka.

Dad badan oo Hotelka deganaa iyo kuwa fariisan jiray ayaa ka bad baaday qaraxii hore markii uu dhacay, kuwaasoo ka cararay.

Comments

comments

Post Comment