DAAWASHO XASAASI AH: RW Kheyre oo si adag uga jawaabay baaqii Kismaayo & DF oo wali ku socoto jiho aan wanaagsaneyn

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasiirka koowaad ee dawladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho, ayna iskugu yimaadeen taageerayaasha Xukuumadiisa oo laga kala keenay degmooyinka gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ay Soomaaliya horay u socoto.

Raysalwasaaraha oo u muuqday in uu ka jawaabayo warsaxaafadeedkii laga soo saaray Kismaayo ayaa sheegay in ay taabagal ka dhigayaan in Soomaalidu ay heshiiso, wada hadal iyo dibu heshiisiin-na lagu bedelo.

Mr, Kheyre ayaa sheegay in horey loo socday mudooyinkii u dambeeyey, wuxuuna cadeeyey in aysan cidna ka ogolaan doonin in dib loo celiyo Soomaaliya, taas oo uusan sheegin cidda ay tahay dadka celinaya.

Wasiirka koowaad wuxuu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in la wadaago kheyraadka iyo siyaasadda dalka, ayna tahay arrin waajib ah in uu qof kasta garowsado, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay eegaan marxalad kasta.

Wuxuu sheegay in aysan aqbaleynin in la dumiyo waxa ugu yeeray Iftiinka u soo baxay Soomaaliya, taas oo ula jeeday howlaha Xukuumaddiisu ay wado in ay yihiin kuwa sax ah oo wadiiqo wanaagsan ku socda.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. mohamud m ali. ku magac dheer,,,,libaax says:

    nin waalan wax u dhiibo anaa k sii waalan,,muxuu qabtay horta,,,umada somaliyeed xamar kaliya majoogan abti,,,adiga nah waxaan rabtaa somaoil in aad u gacan galiso oilka somalia in taan laxisaabtay la gaarin,,fuck you khayaano qaran

  2. abdiwel says:

    kheyre soo kii ma’aha Soma oil u hogaaminey in ay dhacdo hantida somaaliyeed. waa kii kadambeeyey in soma oil ay hesho heshiiskii caalamku la yaabay oo ay soma-oil ku Heshay 90% oo kamida ah oil-ka kujira bada soomaaliya. somaaliyana waxay xaq u heshay 10%. ninkii sas ahaa oo dambi qaran galay ayaa manta rais wasaare ah oo hadana ka hadlaya dan soomaaliyeed. waa la yaab. waa durwaa hilbo u dhiibo.




.




.




.




%d bloggers like this: