DEG DEG+AKHRISO: Shirkii Hogaamiyaasha Dawlad gobaleedyada Soomaaliya oo laga soo saaray go’aamo

KISMAAYO(P-TIMES)- Hogaamiyaasha dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyey ku shirsanaa magaalada Kismaayo ayaa soo gabagabeeyey shirkodoa, waxayna ka soo saareen warmurtiyeed dhinacyo badan taabanaya.

War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka Wadarashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda dowladda Goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

War murtiyeedka oo goor dhow heshay saxaafada ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Shirka ayaa lagu dhisay Gole ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada oo loogu magac daray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa Guddoomiye iyo kuxigeen loo doortay sanadka koowaad Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Comments

comments

One Response to "DEG DEG+AKHRISO: Shirkii Hogaamiyaasha Dawlad gobaleedyada Soomaaliya oo laga soo saaray go’aamo"

  1. CEEBEY TACAAL.

    DAWLAD-KU-SHEEGGA FARMAAJO WAA WAREERSAN TAHAY. TALOWAA AYAA KU DHACAY.

    WAA KU GUUL DARREYSATAY FARAGELINTII AY KU HAYSAY MAAMUL GOBOLEEEDYADA

    TUURISTII HIRSHABEELLE AYAA U MARTAY. MARKAAS BAY DAMACDAY INAY KA TAKHALUSTO GALMUDUG IYO QAAR KALE.

    TAAS WAA KU KHASAARTAY OO REER GALMUDUG WAA ISKA YUREEYEEN SIYAASADDA ARAGTIDA GAABAN EE FARMAAJO.

    FARMAAJO SIDAAS BUU KU FASHILAN YAHAY.

    MA JIRTO CID DAMBE OO WAX KA MAQLEYSA ILLEYN MADARKII BUU KU
    KUFAY E.

    FARMAAJO XATAA MA LAHA AWOOD UU KU SIXI KARO GEFAFKIISA.
    RAGANNIMO AYEY U BAAHAN TAHAY IN LA QIRTO, LANA SAXO GEFAFKAAGA.

    WIILKA SIYAAD BARRE BAL MUXUU KA SOO DOONAY SIYAASADDA?

    SOW TII DORRAAD UUN LA ERYAY ISAGA IYO ADEERKII AFWEYNE?!

    KARTIDII IYO GARASHADII ADEERKIINA, FARMAAJO MEESHA KUMA HAYO.

    RIWAAYAD BEEN AH BUU LA SOO SHAQO TEGEY. WAANA LAGU GARTAY
    MARKII UU DHIIBAY GEESIGII AHAA CABDIKARIM QALBI DHAGAX.

    XABASHIDA AYAAN MEEL SAARAYAA BUU DADKA KU BEER LAXAWSADAY.
    SIDAAS BUU KURSIGA KU HELAY. MARKAAS AYUU XABASHIDII HOOSTA KALA HESHIIYAY. SAA WAA KHAAIN KARTI DARAN OO HUNGURI KU RAADSANAYA IIBKA MADAXBANNAANIDA DALKA HOOYO.

    ILAAHAY UMA CEEB QARININ FARMAAJO.

    Reply

Post Comment