DHAGEYSI XASAASI: Madaxweynaha Puntland oo wareysi xasaasi ah bixiyey goor dhaw, kana hadlay Arrimaha Kismaayo ka soo baxay.

KISMAAYO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta loo doortay hogaanka dawlad gobaleedyada Soomaaliya ayaa ka hadlay faahfahin ku saabsan qodobada ay ku heshiiyeen ee kasoo baxay shirka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu shirkan ahaa mid muhiim u ah Soomaaliya, isla markaasna loogu talinayey Maslaxadda iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay in maskaxda si wanaagsan loogu hayo.

Madaxweyne Gaas oo wareysigan siiyey Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa sheegay in ay waajib tahay in laga wada shaqeeyo danta Ummaddan Soomaaliyeed.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Comments

comments

One Response to "DHAGEYSI XASAASI: Madaxweynaha Puntland oo wareysi xasaasi ah bixiyey goor dhaw, kana hadlay Arrimaha Kismaayo ka soo baxay."

  1. markasta waxaa aad arkaysaa puntland oo lagu eedaynayo qaran dumisnimo. kuwii qaranka dumiyey ayaa daadinaya ilin durwaa. waxay ku doodayaan in puntland ay sheeganayso xaqa ay ku leedahay qaranka. ayagoo u arka xaqsheegashada puntland qaran dumisnimo. ayagoo waliba xaq u arka in puntland noqoto mooye madoow oo meel yaala. taasu waa riyo awal lagusoo daaleey, oo cidii cusub oo kursiga haleesha isku daydo, in markeeda, nasiibkeed tijaabiso. Arinta kale oo muhimka ah, oo ba’ri laysku mariwaayayo, waa tan soomaaliland………( waxan’na rajeeynayaa in puntland siyaasadii lagu wajahi lahaa arinkaan ay u diyaarsantahay). foolxumada soosocda, oo federalku qorsheenayo, waxay tahay, in gorgortan ku saabsan labo dowladood ay lagasho somaliland. Oo awooda iyo hantida qaranka ay hargaisa iyo muqdisho kala qaataan, inta kalena raashin noqdaan. puntland waxaa lagu baqsadaa, oo markii larabo in wax laga dhacsado, lagu eedeeyaa in ay kasoo horjeedo maslaxada iyo dadaalka loogu jiro badbaadinta qaranka soomaaliyed . hadii maslaxada iyo badbaadinta qaranku ku xiranyahay in aan dumo adna dhisantid, waxaan door bidin in qaran lawaayo si aan u badbaado. Farmaajo waxaan kula talin laha in uu ka fiirsado arinkaan fashilka iyo kala fogaanshaha umada somaaliyeed Sababi Kara. Reer puntland waxaan kula talin in ay arinkaan ka hortagaan intuu ka hortag leeyahay. hadii kale ha sugaan markii qaanso iyo gamun isku dhacadaan sidii caadada ahayd. hadii aanu diyaar u nahay, oo aanu waxna ka
    qabin in aanu rashin bisil noqono, hadee warkale ma yaalo.

    Reply

Post Comment