FAALLO: Dowladda Federaalku Ma Jiri Kartaa Dowlad Goboleedyada La’aantood?

Faalladan ayaa daba socota qormadii hore ee ahayd “Taariikhda oo aan wax laga baran waxay keentaa in khaladaadkii hore dib loogu noqdo“, taas oo aan ku soo qaadaney sida la taliyaasha waaweyn ee Farmaajo ay u afduubteen Dowalddnimadii Soomaaliyeed.

HORDHAC

Waxaa lagu tilmaamaa Soomaaliya dalka keliya ee dunida ka jira ee hal mar ay dumeen dhamaan hay’adihii dowladeed. Waxaa istaagey duulimaadyadii dalku lahaa, waxaa xirmey boostada iyo isgaarsiinta, waxaa burburey waxbarashadii, isbitaaladii, ciidamadii xuduudaha iyo kuwii Booliska, iyo dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa ee Dowlad bixin jirtey, waxaa dalka isaga abxay dhamaan safaaradihii caalamku ku lahaa, waxaan dhihi karnaa waxa dalka u soo harey keliya magac, taas oo caalamku u aqoonsadey dal fashilmey.

Xafiiskii u danbeeyey ee xirma ayaa noqdey Villa Somalia, halka dalalka qalalaasuhu ka dhaceen Xafiiska Madaxtooyadu uu noqdo kan u horeeya ee xirma, laakiin ay dadka u shaqeynayeen adeegygadii kale, sida duulimaadka, boostada iyo isgaarsiinta, caafimaadka iyo weliba waxbarashada. In Xafiiskii Vila Somalia uu noqdo hay’adda u danbeysey ee isha isku qabsatey ayaa fasiraad ka bixin karta halka dhibta Soomaaliya ka jirtey, iyo mushkiladii ay dhaxalsiisey dowlad dhexe ee awood leh.

Waqooyiga Soomaaliya oo aan u qaybin karno Galbeed iyo Bari waxaa ka jirey maamulo dadku dhisteen, Waqooyi Galbeed inkasta oo dagaallo sokeeye ka dhaceen 1992-1997, waxaa jirey maamul leh Madaxweyne ku-xigeen iyo Baarlamaan, inkasta oo laga aaminsanaa in ay yihiin dal madaxbanaan. Waqooyi Bari waxaa ka jirey maamul dadku dhisteen, labada gobol ee Bari iyo Nugaal iyo weliba Waqooyiga Mudug, waxaa jirey canshuur ururin, waxaa goboladu lahaayeen Baraasaabyo halka degmooyinkana ay lahaayeen guddomiyaal, Dekadda Bosaso ayaana noqotey isha keliya ee dalka Soomaaliya oo dhan lahaa ee u shaqeyneysey nidaam habsami leh.

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa kala qaybsadey hoggaamiye kooxeedyo kala duwan, waxayna ahayd halkii ugu danbeysey ee Qaranimadii Soomaaliyeed afka ciidda loogu daray, raadkasta oo Dowladeedna lagu tirtiray.

BILOWGII FEDERAALKA

Maamulkii ka jirey Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa sanadkii 1998 isu beddalay Dowlad goboleedka Puntland kadib shir muddo u socdey dadka deggan gobolada Bari, Nugaal, Sanaag bari, Sool iyo weliba Waqooyiga Mudug. Dhismaha Puntland ayaa ahaa baadigoobka Qaranimadii Soomaaliyeed, dhismaha Dowlad Federaal ah iyada oo laga tusaale qaadanayo wixii dalka ka dhacay, taas oo waxna la wada lee yahay waxna la kala lee yahay, sida la og yahay nidaamka federaalka waxaa ku dhaqma dalal ka badan 50 oo caalamka kamid ah, kuwaas oo wadaaga dhaqan, diin iyo afba, laakiin maslaxadooda u arkey in ay nidaamkaas qaataan.

TNG

Shirkii Carta ee dalka Jabuuti ee uu baaqiisa lahaa Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa uu ahaa isku daygii u horeeyey ee lagu soo celiyo Qaranimadii Soomaaliya, shirkaas waxa uu lahaa khaladaad aad u badan waxaana kamid ahaa in meesha laga saarey dadkii dalka awoodda ku lahaa oo aan loo yeerin beddelkeedina la isu keenay bulshada rayidka ah oo keliya, sidoo kale shirkaasi waxa uu diidey in uu aqoonsado maamuladii dalka ka jirey, waxaana loogu walqaley Dowladdii ka dhalatey TNG, ee macnaheedu yahay Dowladda kumeel-gaarka ah ee Qaranka Soomaaliya, shirkaas waxa uu ahaa kii awoodda loogu qaybsadey 4.5.  Nasiib darro magac un bay ahayd dowladdaasi, mana dhaafin xaafad ku taala degmada Hodan ee uu deggenaa Cabdiqaasim Salaad Xasan, inkasta oo la dhihi karo dhimbishii u horeysey ee soo celinta rajadii Soomaaliya ayey ahayd.

DHISMIHII DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Shirkii Kenya ee socdey 2002-2004 waxaa lagu heshiiyey Dowlad Federaal ah in dalka loo dhiso, waxaana lagu asteeyey dastuurkii markaas la dhigtey, tan iyo markaas wixii ka danbeeyey waxaa is bedeley magicii Jamhuuriyadda oo noqdey Jamhuuriyadda Federaalka ah, waxaana dalka soo marey afar Madaxweyne. Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf waxa uu ka dhamaan waayey dagaaladii Islaamiyiinta oo mArkaas taageero weyn ka helaayey qaar kamid ah beelaha deggan Koonfurta Soomaaliya, waxaana uu xilka iska casiley isaga oo aan dhamaysan muddadii loo dhaariyey xafiiska, Madaxweynihii ku xigey  Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wax ka hoggaamin jirey Malayshiyaadkii Dowladdii Baydhabo fadhidey la dirirey, wuxuu xilka hayey muddo ku dhaw afar sano, waxaana uu dagaal la galay isla jaalayaashiisi hore, inkasta oo uu nidaamka Federaalka uu horey u dhaqaajiyey, waxaa laga sheegay in uu yiri waxaan ka soo horjeedey nidaamka Federaalka, waana sababta keentey bilowgii maamulkiisa in ay isugu yeeraan Dowladda Mindimo Qaran, ilaa Baarlamaanku ka horjoogsadey ereyn bixintaas Sheekh Shariif wuxuu sheegaa in uu ku khasbanaadey  in uu ku shaqeeyo nidaamka Federaalka ah, waxaana uu dalka ka saarey kumeel-gaarkii muddo loogu yeeri jirey, wuxuu dejiyey dastuur federaal ah oo ay ansixiyeen cod xanbaarayaal Muqdisho la isugu keenay. Dalka markaas waxaa u dhisnaa Dowladda Puntland oo iyadu ka horeysey Federaalka oo dhan iyo Galmudug 1 oo magac ahaan u jirtey kuna ekeyd Koonfurta Gaalkacyo,  Sheekh Shariif labadaas maamulba si fiican ayuu ula shaqeeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ahaa Madaxweynihii u horeeyey ee dalka gudihiisa lagu doorto, muddo 40 sano ka badan, wuxuu hoggaamiyey dowladdii u horeysey ee aan kumeelgaar ahayn ee dalku yeesho muddo 12 sano ah, si lamid ah Madaxweynihii ka horeeyey ma ahayn shakhsi aaminsan in Soomaaliya ay noqon karto dal Federaal ah, wuxuu samaystey la taliyaal ka soo horjeeda nidaamka Federaalka, waxaana uu uga duwana Sheekh Shariif, dagaal toos ah ayuu ku qaadey Federaalka, wuxuu isku dayey in uu hor istaago dhismihii Jubbaland iyo Koonfur Galbeed,  labadii maamul ee ka danbeeyey ayuu ka dhigey mid canbaar loogu yeelayo nidaamka federaalka taas oo khaladaadkii uu ka galey weli taagan tahay.  Dadka ku dhawaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxay sheegaan in uu yiraahdo “…waxaan dagaal la galay wixii la ii dhaariyey in aan ku shaqeeyo, waxaa is khilaafsanaa waxa dalka u yaaley iyo waxaan aaminsanahay, waxaana wakhtigii iga dhumey, ficil iyo hadal is diidan, ugu danbeyn waxaan garwaaqsadey in Federaalku yahay wax aan meelna uga leexan karin, waxaana u danbeysey hay’adda aqalka sare ee metesha Dowlad goboleedyada iyadiina waa dhisey, taas oo aan diidey in aan dhiso bilowgii maamulkeyga.

Mid kamid ah la taliyaashii Xasan Sheekh Maxamuud ee xiligaas, ayaa qoraal uu ku daabacay Joornaala Economist ku sheegay fikir muujin kara waxa maanta socda:

Constitutional and governmental overhaul: the now defunct TFG had imposed a new ‘Draft Constitution’ on the Somali people with almost no public consultations. The document institutionalizes sectarianism, sets the country on the road to renewed, clan-based civil unrest and effectively puts the duly elected President on a collision course with his appointed future Prime Minister. The document grants oversized powers to an unelected Prime Minister over the elected president – a perennial source of infighting in the government. The ‘Constitution’ also creates a convoluted and unworkable federal structure for one of the most homogeneous and smallest countries (population wise) in Africa. – by Abdi Ainte

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xilka la wareegay iyada oo ay dhisan yihiin dhamaan Dowlad goboleedyadii dalka, inkasta oo ay jiraan caqabado, u baahan in la saxo, waxaa dowaldda u yaaley shaqooyin ay kamid tahay:

  • Qeexidda Xuduudaha maamul goboleedyada, kuwaas oo ku salaysan Goboladii 18 ahaa ee dalka ka jirey
  • Dhamaystirka Dastuurka Federaalka ah, iyo afti loo qaado
  • Xasilinta dalka iyo la dagaalanka Malayshiyaadka al-Shabaab
  • Dejinta maqaamka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
  • Dhamaystirka wada hadaladii Somaliland
  • Daabacadda Lacagta Shiling Soomaaliga
  • Dalka oo uu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah

Si lamid ah Madaxweynihii ka horeeyey wuxuu Farmaajo isku xeeray koox la taliyaal ah, kuwaas oo ka xagjirsan kuwii Madaxweynihii isaga ka horeeyey, iyada oo Dowladda Farmaajo Madaxweynaha ka yahay ay jirtey muddo 10 bilood ah, ayey ku talaabsatey waxqabad, sida nadaafadda caasumadda iyo bilicdeeda, garoonka Muqdisho oo habeenkii laga soo dego, yareynta qaraxyda iyo Hoteeladii Muqdisho ee al-Shabaabku ay dadka badan ku dili jireen, la soo wareegida maamulkii hawada sare inkasta oo aysan weli toos u shaqeyn, diyaarinta hindise sharciyeedyo. Arrimahan oo dhan ayaa u badan wax la xiriira isla dowladda federaalka gudaheeda iyo caasimadda, waxaan waxba laga qaban hawlihii waaweynaa ee ka baxsanaa Muqdisho iyo xasilinta dalka gaar ahaan gobolada ay haystaan al-Shabaab.

Waxaa dad badan is weydiinayaa sababta Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dagaalka ugu qaadey Dowlad goboleedyada dhisnaa ee maamulkiisa ka horeeyey, maxaa keenay in beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya ay uga aamusaan waxa socda? iyo su’aalo kale oo badan.

Farmaajo waxa uu isku dayayaa in uu fuliyo talooyinka ay siinayaan la taliyaashiisa aaminsan in laga takhalusi karo nidaamka Federaalka, waxaa uu talada weydiinayaa inta aaminsan in Federaalku qabiil yahay in federaalku dalka la harey in Qaranimo Soomaaliyeed aysan cag ku istaageyn inta Dowlad goboleedyo ay dalka ka jiraan, waxaa dagaalkii u horeeyey lagu qaadey maamulada curdinka ahaa ee Hirhsballe iyo Galmudug, laakiin Galmudug waxaa ka soo baxay fallaartii cirka loo ganeey qofkastow filo, waxaana loo dhabi tuntey Koonfur Galbeed, halka Puntland loo gacan haadiyey, loona direy Xildhibaano dhawr ah oo lacag loo dhiibey.

AWOOD QAYBSI KU SALAYSAN KOONFUR & WAQOOYI.

Beesha Caalamka ee isku ururisey xarunta Xalane, waxaa la dhihi karaa waa dowlad kale oo dalka ka jirta, arrinta ay waddo Doladda Farmaajo waxaa Beesha Caalamka qaarkeed u arkeen fursad iyo nidaam kale oo lagu wada hadalsiin karo Somaliland iyo Dowladda Federaaka, waxaana qorshohooda ugu weyni yahay in la wiiqo awooda Dowlad goboleedyada, kadibna loo wada hadalo Koonfur iyo Waqooyi awoodana sidaas loo qaybsado, taas oo ah riyo horey u socon weydey.

AWOODAHA DOWLAD GOBOLEEDYADA

Haddii aan dastuurka qabyda ah la dhamaystirin, waxaa hubaal ah in dalku halkiisa taagnaan doono giraantuna ku soo noqon halkii uu Farmaajo ka bilaabey marka la gaaro 2020.

Dowlad goboleedyada ayaa awoodooda muujiyey kadib markii ay fashiliyeen shirkii dib u eegista dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya, ayna qaadaceen, kaasoo marti sharaf badan looga keenay qaaradaha adduunka, waxaa adag in Dastuurka laga hadlo iyada oo aysan qayb ka ahayn Dowlad Goboleedyadu. Waxaa cad Soomaaliya in aan maanta lagu maamuli karin anigaa iri ee dalku weli yahay mid jilicsan dib u heshisiin dhab ahna aan loo sameyn, sidaas darteed u baahan in lawada shaqeeyo oo la wada tashado.

Awoodda labaad ee Dowlad goboleedyada ayaa ah shirka Kismaayo oo calaamad u noqon kara in Dowladda Federaalka ah waxba gacanta ugu jirin, Muqdisho oo keliyana aysan Soomaaliya noqon karin.

Dowaldda Federaalka ee Jamhuuriyaddu waxay ku taagan tahay sharciyad iyo dastuur, waxaana xubno ka ah Dowlad goboleedyada, waxaana hubaal ah in aysan jiri karin haddii Dowlad goboleedyadu meesha ka baxaan, Muqdisho oo keliyana ma noqon karto Dowlad.

Farmaajo laba in uu kala doorto ayaa u taala, in ay dhegtiisa haystaan kooxda xagjirka ah ee diidan nidaamka federaalka oo dagaalka ku haya Dowlad goboleedyada  taas oo dhaxalsiin karta in uu go’doon ku ahaado Muqdisho oo keliya iyo in uu ka dego Kismaayo ka qaybgalo shirka, u odoyeeyo, dhegaysto cabashooyinka maamulada ka garaabo kadibna uu guddoomiyo waxa ka soo baxay si dalka loo gaarsiiyo himilooyinkiisa, wada shaqeyn fiicana u dhex mari lahayd maamulada dalka ka jira iyo Dowladda dhexe.

Hussein Farah

XIGASHO: Horseedmedia

Comments

comments

One Response to "FAALLO: Dowladda Federaalku Ma Jiri Kartaa Dowlad Goboleedyada La’aantood?"

  1. Abdullah.

    … cida Kaliya oo wax kaladhantaalaysa waa federalka fadhiya xamar . federalku waa saqafkii kore re qaranka. Dowlad goboleedkuna waa aasaaska hoose ee qaranka. marka hadii xaataa goojo caqli ah leedahay waad garan in saqaf kaligiis guri noqonkarin oo hawada kaligiis taagnaankarin. cidii rabta ama jecel in meesha lagasaaro dowlad goboleed waa cid rabta dumista iyo aasida qaranka soomaaliyeed. kii riyooda iyo kii aan riyoon waxaa hubaal ah, Alle tiisa kasokow, in dowlad dhexe ay somalia mar dambe ka talinahayn.

    Reply

Post Comment