MAQAAL XASAASI AH: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay & Muqdishana Dagaal ayaa uga soo wajahan!

Dekada Bosaaso waa isha dhaqaalaha ee Puntland iyo gobalada dhexe, marsadan ayaa kamid ahayd mashaariicdii faro ku tiriska ahayd oo ay dowladii hore ee Soomaaliya ka fulisay gobalka Bari oo mudo dheer la oron jiray gaari-waa.

Mashruuca Dekada Bosaaso ee dowladii AUN Maxamed Siyaad Bare ayaa ahayd mid aan weli la dhameystirin xiligii ay dhaceen dagaaladii sokeeyey iyo burburkii Qaranka Soomaaliya. Balse qeybta kowaad ee dekadaasi la dhisay ayaa noqotay mida ay ku badbaadeen shacabka ku dhaqan gobalada Puntland 26kii sano ee lasoo dhaafay.

Dekadan ayaa markii hore loo dhisay dhinaca dhoofinta xoolaha iyo kaluumeysiga, waxaase dekadan soo fuulay culeys weyn kadib markii dadyow badan oo kasoo qaxay caasimada Muqdisho iyo gobalada kale ay soo buuxiyeen gobalada hada la isku yiraaho Puntland, waxaa taasi u sii dheerayd adeega dekadaasi siiso gobalada dhexe ee Soomaaliya illaa iyo gobalka Hiiraan iyo qeybo kamid ah deegaanada Somaliland & Maamul deegaanka dhulka Soomaali Galbeed.

Marka loo eego dhismaha dekada iyo dhulka ay ku fadhido waxay aad uga yartahay dekadaha kale ee Berbera iyo Muqdisho. Balse goobta ay dekada Bosaaso ku taal ayaa lagu tilmaamaa inay ka wanaagsan tahay labadaasi dekadadooda, maadaama ay uga dhaw dahay dhulka ganacsiga soomaalida ku xiran yahay ee qaarada Aasiya.

Nasiib Xumo 
Dekada Bosaso maanta maaha mid ay kusoo xaroon karaan maraakiibta waaweyn ee konteenarada xambaara kuwaasi oo hada ku dajiya rarkooda Berbera ama Muqdisho, taasi ayaa keenaysa in xiligan Dekada Bosaso aysan wax tartan ah mustaqbalka lasii geli karin dekadaha Berbera iyo Muqdisho oo horey u dhameystirnaa hadana loo qorsheeyey in lasii balaariyo.

Dhul aan lahayn dekad caalami ah waxaa adag in laga hirgeliyo maalgashi caalami ah, waana mida xiligan Puntland ay dooneyso inay wax ka bedasho si loo helo illihii dhaqaalaha ee soo jiidan lahaa maalgashi caalami ah.

Cabashada Deriska Dekada Bosaso
Waxaa jirta cabasho ka imaaneysa qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Bosaaso gaar ahaan kuwa guryaha ku leh nawaaxiga marsada oo ka cabsi qaba in dekada fidinteeda ay salfato guryahooda iyo hantida ay halkaasi ku leeyihiin.

Cabashadan waa mid ay dowladu xalin karto, walow ay xukuumada Puntland sheegtay inaan wax guryo ah la dumin doonin, hadiise ay dhacdo in loo baahdo in guryo la dumiyo waa inay dowlada magdhaw siisaa dadkaasi lacagtaasina laga bixiyaan 15kii milyan oo ay horey u bixisay shirkada DP world.

Ganacsato Dantooda Ka Fekeray
Dhinaca kale waxaa jira ganacsato u badan kuwa doonyaha kasoo rarta Dubai iyo carabta oo iyagu diidan in dakada la balaariyo iyagoo ka cabsi qaba in doonyahooda yar yar ay suuqa ka saaraan Maraakiibta waaweyn iyo nidaamka cusub ee DP world.

Ganacsatada doonyaha ee dantooda ka fekeray weli masoo bandhigin wax xal ah oo ay u hayaan shacabka Puntland oo ay ugu bedalayaan baahida hada ka taagan dekada Bosaso oo xiligan ka hartay tartantii ay kula jirtay dekadaha kale ee dalka ku yaal.

Siyaasiyiinta Muqdisho iyo Shirkada ALBayrak 
Waxaa iyaguna maalmihii lasoo dhaafay dooda dekada Bosaso kusoo biiray siyaasiyiin fadhiya Muqdisho oo xilal ka haya xukuumada Federaalka ee Muqdisho ka shaqeysa, kuwaasi oo qaar kamid ah beelaha Puntland ku baraarujinaya inay ka horyimaadaan masharuuca dekada Bosaaso.

Si lamid ah ganacsatada dantooda eegtay waxay siyaasiyiinta Muqdisho ku sugan iyagu arrintan uga danleeyihiin in la fashiliyo mashruuca horumarinta Puntland iyo isheeda dhaqaalaha ee Bosaaso taasi oo ay u arkaan mid sare usii qaadi doonta mustaqbalka isku filnaanshaha Puntland ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Waxaa siyaasiyiintaasi kamid ah xubnihii dekkada Muqdisho ku wareejiyey Shirkada laga leeyahay Turkiga ee AlBayrak oo iyadu hada maamusha marsada Muqdisho, shirkadaasi oo aan dakhligeeda xataa kusoo dhicin khasnada dowlada Federaalka.

Shirkada Albayrak ayaa u aragta dhismaha dekada Bosaaso mid khal khal ku keeni karta qorshaheeda fog oo ay dooneyso in dekada Muqdisho noqoto isha kaliya ee laga soo dajin karo konteenarada u socda gobalada dhexe illaa iyo qeybo kamid ah Puntland iyo dhulka Itoobiya maamusho.

Hadaba waxaan shaki ku jirin dekada Bosaaso faa’iido u tahay in la balaariyo, balse loo baahan yahay in dowlada Puntland ay si fudud u xaliso cabashooyinka dadka deegaanka iyadoo laga gaashaamanayo in arrintan isu rogto xiisad ay ka faa’iideystaan ganacsatada iyo shirkadaha loolanka kula jira Bosaaso iyo horumarka Puntland guud ahaan.

Comments

comments

3 Responses to "MAQAAL XASAASI AH: Dekada Bosaaso Daryeel, Dayactir iyo horumarin bay u baahan tahay & Muqdishana Dagaal ayaa uga soo wajahan!"

  1. waa iga talo yaan loo joojin kuwa qaylinaya iyo kuwa xamer laaluushaka ka qaata iyo ganacsatada dantooda ka fakaraya waa in aan lagala tashan danta wadanka cadi wali waad mahad san tahay wad horumarka aad wadanka u wadid doc ka yeerkana daanka ku dhufo jawaabtoodu waa in taas ilaahay ha kugu guuleeyo.

    Reply

Post Comment