SAWIRRO+XOG: Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa weerar lagu qaaday goob ay kusugnaayeen maleeshiyaad Shabaab ah oo buuraleyda Galgala

GALGALA(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgalo ay sameeyaan ciidamada Difaaca ee Puntland, gaar ahaana kuwa sidda gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF, laguna wajahay meel ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al- Shabaab.

Ciidamada oo ka duulaya xogaha ay ku heleen dhinaca Wardoonka ayaa howlgalkan ku qaaday maleeshiyaad la rumeysan yahay in ay ahaayeen kuwii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Kontoroolka magaalada Boosaaso 3 habeen kahor.

Saraakiisha howlgalkaas ayaa sheegay in ay khasaare gaarsiiyeen kooxaha Argagixisada, ayna heleen maclumaad dheeraad ah oo ku saabsan kooxahan.

War qoraal ah oo lagu faafiyey barta Facebook-ga ee ciidamada Difaaca Puntland ayaa lagu xaqiijiyey howlgalkan, waxaana la sheegay in uu howlgalkan yahay mid lagu soo afjarayo kooxaha ka soo horjeeda Amniga iyo daganaanshaha mandiqada.

Puntland ayaa muddo dheer dagaal kula jirta kooxo Argagixiso, waxayna duulaamo qorsheysan ku qaaday buuraleyda Caalmadow oo ay ku dhuumaleysanayaan kooxahan, iyadoo sidaas oo kale ay jireen weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadeen kooxahaas khasaare kala duwana uu ka dhashay.

Madaxweynaha Puntland ayaa bartimihii sannadkan ku dhawaaqay dagaal adag oo lagu qaado kooxahan ku dhuumaleysanaya buuraleyda Caalmadow, si looga guul-gaaro la dagaalanka kooxahan Argagixiso.

Comments

comments

Post Comment