WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Dowladda Oo Ku Dagaalamaya Qeybo Ka Tirsan Muqdisho

MUQDISHO(P-TIMES)-War Goordhow naga soo gaaray degmada Dharkenley ee Gobolkan banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in qeybo ka mid ah degmadaas uu haatan dagaal ka socdo.

Dagaalka ayaa intiisa badan waxa uu ka socdaa Xaafada Xoosh, waxaana dadka degaanka ay sheegen in uu u dhaxeeyo Ciidamada xasilinta iyo ciidamo Booliis ah oo ku sugan Xaafada xoosh.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in xili Ciidamada xasilinta ay howlgalka wadeen ay maqleen dhawaqa rasaasta ilaa iyo hadana aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

2 Responses to "WAR DEG DEG AH:- Ciidamada Dowladda Oo Ku Dagaalamaya Qeybo Ka Tirsan Muqdisho"

  1. Ciidamada Xasilinta waa kuwo loogu tala galay inay hubka ka dhigaan SAMALE/HAWIYE/HIRAAB. WAXAANA WATA FAQASH
    FARMAAJO OO AARSI DOON AH.

    Reply
  2. talman adeer iidoor ayaad tahay markaas ayaad doonaysaa in aad xamer ka kaluumaysatid waar orodoo dhulkaagu ha ku qaado faqash layne waad jiran tahaye ilaahay ha ku caafiyo adiguba waxaa tahay falaasha.

    Reply

Post Comment