WAR DEG DEG AH: Dawladda PL oo goor dhaw wareejisay Dekedda magaalada Boosaaso.

BOOSAASO(P-TIMES) – Dawladda Puntland ayaa goor dhaw wareejisay dekedda magaalada Boosaaso, waxaana lagu wareejiyey Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo P & O oo qeybka ah shirkada weyn ee DP WORLD.

Kulan weyn oo lagu wareejinayey heshiiska ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana ka qeybgalay wasiiro katirsan Xukuumada dawladda Puntland iyo Madaxda DP WORLD oo yimid magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Wasaaradda Dekedaha iyo Amniga Baddaha ayaa u sheegay Puntlandtimes in waxa la wareejiyey ay tahay dhismaha ama Jambiyadda Dekeda ee aysan aheyn howlaha maamul ee dekedda.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saxiixay heshiiska dhismaha iyo dibu habeynta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo ku kacaya aduun gaaraya 336Malyan oo Dollar, waxaana la dhisayaa Deked cusub oo dhererkeedu yaahy 450M.

Dekedda hadda lagu shaqeeyey ee Boosaaso ayaa lagu sheegayaa 150M wax ka yar, taas oo muujinaysa in aysan awood u laheyn in ay xamisho maraakiibta waa weyn ee soo xiranaya.

Buuq iyo Is hor istaag ayay isku dayeen dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan Siyaasiin horey xilal u soo qabtay iyo Nabadoono u muuqday kuwa ka soo horjeeda dhismaha iyo balaarinta dekeda Boosaaso, laakiin ugu dambeyntii waa laga gudbay.

Comments

comments

Post Comment