WAR DEG DEG AH: M/weynaha DF Soomaaliya oo si deg deg ah uga jawaabay Shirkii Kismaayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Comments

comments

3 Responses to "WAR DEG DEG AH: M/weynaha DF Soomaaliya oo si deg deg ah uga jawaabay Shirkii Kismaayo."

  1. CEEBEY TACAAL.

    DAWLAD-KU-SHEEGGA FARMAAJO WAA WAREERSAN TAHAY. TALOWAA AYAA KU DHACAY.

    WAA KU GUUL DARREYSATAY FARAGELINTII AY KU HAYSAY MAAMUL GOBOLEEEDYADA

    TUURISTII HIRSHABEELLE AYAA U MARTAY. MARKAAS BAY DAMACDAY INAY KA TAKHALUSTO GALMUDUG IYO QAAR KALE.

    TAAS WAA KU KHASAARTAY OO REER GALMUDUG WAA ISKA YUREEYEEN SIYAASADDA ARAGTIDA GAABAN EE FARMAAJO.

    FARMAAJO SIDAAS BUU KU FASHILAN YAHAY.

    MA JIRTO CID DAMBE OO WAX KA MAQLEYSA ILLEYN MADARKII BUU KU
    KUFAY E.

    FARMAAJO XATAA MA LAHA AWOOD UU KU SIXI KARO GEFAFKIISA.
    RAGANNIMO AYEY U BAAHAN TAHAY IN LA QIRTO, LANA SAXO GEFAFKAAGA.

    WIILKA SIYAAD BARRE BAL MUXUU KA SOO DOONAY SIYAASADDA?

    SOW TII DORRAAD UUN LA ERYAY ISAGA IYO ADEERKII AFWEYNE?!

    KARTIDII IYO GARASHADII ADEERKIINA, FARMAAJO MEESHA KUMA HAYO.

    RIWAAYAD BEEN AH BUU LA SOO SHAQO TEGEY. WAANA LAGU GARTAY
    MARKII UU DHIIBAY GEESIGII AHAA CABDIKARIM QALBI DHAGAX.

    XABASHIDA AYAAN MEEL SAARAYAA BUU DADKA KU BEER LAXAWSADAY.
    SIDAAS BUU KURSIGA KU HELAY. MARKAAS AYUU XABASHIDII HOOSTA KALA HESHIIYAY. SAA WAA KHAAIN KARTI DARAN OO HUNGURI KU RAADSANAYA IIBKA MADAXBANNAANIDA DALKA HOOYO.

    ILAAHAY UMA CEEB QARININ FARMAAJO.

    Reply
  2. markasta waxaa aad arkaysaa puntland oo lagu eedaynayo qaran dumisnimo. kuwii qaranka dumiyey ayaa daadinaya ilin durwaa. waxay ku doodayaan in puntland ay sheeganayso xaqa ay ku leedahay qaranka. ayagoo u arka xaqsheegashada puntland qaran dumisnimo. ayagoo waliba xaq u arka in puntland noqoto mooye madoow oo meel yaala. taasu waa riyo awal lagusoo daaleey, oo cidii cusub oo kursiga haleesha isku daydo, in markeeda, nasiibkeed tijaabiso. Arinta kale oo muhimka ah, oo ba’ri laysku mariwaayayo, waa tan soomaaliland………( waxan’na rajeeynayaa in puntland siyaasadii lagu wajahi lahaa arinkaan ay u diyaarsantahay). foolxumada soosocda, oo federalku qorsheenayo, waxay tahay, in gorgortan ku saabsan labo dowladood ay lagasho somaliland. Oo awooda iyo hantida qaranka ay hargaisa iyo muqdisho kala qaataan, inta kalena raashin noqdaan. puntland waxaa lagu baqsadaa, oo markii larabo in wax laga dhacsado, lagu eedeeyaa in ay kasoo horjeedo maslaxada iyo dadaalka loogu jiro badbaadinta qaranka soomaaliyed . hadii maslaxada iyo badbaadinta qaranku ku xiranyahay in aan dumo adna dhisantid, waxaan door bidin in qaran lawaayo si aan u badbaado. Farmaajo waxaan kula talin laha in uu ka fiirsado arinkaan fashilka iyo kala fogaanshaha umada somaaliyeed Sababi Kara. Reer puntland waxaan kula talin in ay arinkaan ka hortagaan intuu ka hortag leeyahay. hadii kale ha sugaan markii qaanso iyo gamun isku dhacadaan sidii caadada ahayd. hadii aanu diyaar u nahay, oo aanu waxna qabin in aanu rashin bisil noqono, hadee warkale ma yaalo.

    Reply

Post Comment