Wasiirkii Difaaca & Taliyihii ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo is casilay goor dhaw

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay is casileen Wasiirka gaashaandhiga C.rashiid C/llaahi Maxamed  iyo Taliyihii ciidamada Difaaca ee Soomaaliya Jen. Jimcaale Cirfiid oo kamid ahaa saaxiibada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirkii gaashandhiga ayaa is casiladiisa kaga dhawaaqay fadhigii golaha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya oo goor dhaw soo dhamaaday, waxaana uu sheegay in uusan sii wadi karin shaqada dawladda Faderaalka.

Wasiirka ayaa is casilaadiisa lagu sababeeyey markii uu shaqada iskaga tagay Taliyihii ciidamada Difaaca ee Soomaaliya Jen, Cirfiid oo sheegay in dawladdu ay si aan wanaagsaneyn u maamushay howlaha ciidamada dalka.

FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

 

Comments

comments

Post Comment