WAR DEG DEG AH+SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay shir gaar ah oo shalay dhexmaray Jawaari & Kheyre, kuna saabsanaa Qadiyadda QALBI DHAGAX?

MUQDISHO(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu shir gaar ah dhexmaray Ra`iisulwasaaraha Xukuumada iyo Gudoomiyaha baarlamaanka dalka, oo ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo baaritaanka laga soo gudbiyey Qadiyadii Cabdikariim Sh Muuse oo ay Xukuumadiisu u dhiibtay Itoobiya.

Warar hoose oo laga helayo kulanka ayaa sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanku nuqulo kamid ah baaritaankii guddigu soo gudbiyeen uu la wadaagay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Mr, Jawaari ayaa helay codsi uga yimid Raysalwasaaraha, kaas oo ahaa in uu la wadaago baaritaanada laga sameeyey dhacdadan iyo sidii ay u wajaheen guddigii loo xilsaaray, waxaana muuqata in ay ahayd talaabo aan sharciyadda meelna uga jirin.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay Puntlandtimes in ay og yihiin waxyaabaha labada dhinac ay ku heshiiyeen, gaar ahaana qadiyadda ku saabsan baaritaankii la sugayey in loo soo gudbiyo mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku goodiyey in haddii laysku dayo in baaritaankaas wax laga bedelo ay jawaabteeda dhadhamin doonaan cid kasta oo masuuliyad ku yeelata, gaar ahaana Guddoonka iyo Xukuumada Faderaalka.

Warar xasaasi ah ayaa cadeynaya in guddiga baaritaankan loo diray aad loo faragaliyey oo ay jiraan lacago fara badan oo ay adeegsatay Xukuumada Faderaalka, kuwaas oo ay ku jahawareeriyeen xaqiiqada dhabta ah ee sheekada ku saabsan Qalbi Dhagax.

Guddi gaar ah oo ka kooban 15 xubnood ayaa loo diray in ay warbixin u soo gudbiyaan baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, kaas oo ujeedadu baaritaano, waxaana dhawaan la sugayaa in lasoo bandhigo.

Comments

comments

2 Responses to "WAR DEG DEG AH+SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay shir gaar ah oo shalay dhexmaray Jawaari & Kheyre, kuna saabsanaa Qadiyadda QALBI DHAGAX?"

  1. Farmaajo and Kheyre think they can solve serious national destiny problems by posturing for the camera.

    A President who calls for dialogue and cooperation. A Prime Minister who claims imaginary fictitious powers, and defies his President.

    Farmaajo is finally cowed (as he should be), while Kheyre is defiant (as he should not be). They need to solve their own discordant music and get on the same page, before they can hope to convince the country.

    Dal ay hoggaamiyaan ha joogtee, iyagaaba u baahan dibu-heshiisiin.

    Mushkiladda dhexdooda ah waxay ka socotaa laba arrimood:

    A. Dastuurkii oo aan madaxweynaha u oggolaaneyn inuu toos shaqada uga eryo
    raiisulwasaaraha (waa inuu barlamaanka u maraa).

    B. Farmaajo oo Xamar ku ah magan iyo marti.

    Dawladdan waxay fashilantay maalintii ay Xabashida u gacan gelisay Cabdikariim Qalbi Dhagax.

    Hadda waa iska meyd soconaya. Mana laha ragannimadii ay isku casili lahaayeen.

    Kolley, xoogaa qaraab ahna armuu u haray

    Reply
  2. farmaajo iyo kheyre waa xidid iyo qaraabo hadana saaxiibo dow ahaan jiray. dowlad qanduur qaran ah ayeey wadaagan. bal waxay dhasho aanu aragno

    Reply

Post Comment