XOG DEG DEG AH: Madaxweynaha & RW Soomaaliya oo kulan deg deg ah ka yeeshay go’aamada ka soo baxay Kismaayo, qaatay mawqif adag

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka Soomaaliya ay yeesheen shalay galab kulan xasaasi ah oo ay uga wada hadlayeen arrimaha shirka Kismaayo iyo sidii go’aan mideysan ay u qaadan lahaayeen.

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ayaa ka wada hadlay suuragalnimada in gogol siyaasadeed hadda lagu qabto Muqdisho, taas oo ay garwadeen ka tahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Laakiin iskuma aysan raacin qorshahan, iyadoo uu Raysalwasaaruhu diiday in la qabto dadaal siyaasadeed iyo kulamo siyaasad shaqo ku leh waqtigan, wuxuuna soo jeediyey in aan waxba laga soo qaadin baaqa Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday in laga aamuso marxaladda baaqaas oo taabanayey arrimo waa weyn oo ku aadan masiirka Ummadda Soomaaliyeed, ayna waajib tahay in si wadajir ah loo abaaro.

Shirkaas markii uu soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo amray soo saarida warsaxaafadeed kooban, oo loogu baaqayo dhinacyada Siyaasadda Soomaalida.

Laakiin Raysalwasaaraha oo u muuqday in uu ka jawaabayo shirka Kismaayo ayaa cabiray dareen ka duwan midka Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aan cidna loo joojineyn  taas oo xaalad kale abuuri karta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka welwelsan qodobada ka soo baxay shirka Kismaayo, gaar ahaana kuwa ku aadan hanaanka siyaasadeed oo halis galin karra marxaladda ay maanta ku jirto Soomaaliya.

 

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. abdiwel says:

    waa labo qaraabo iyo xidid iyo saaxibtinimo wadaaga oo kala dan iyo aragti duwan. waa dowladii qanduur qaran oo qaab ay u shaqaayso aqoon.

  2. ahmed says:

    R.W. waa in uu amrka madax waynaha qaataa waayo waxaan arkaayey habeen dhawayd oo u khudbad ka jeedinaayey wiish staadum sida uu u hadlaayey tahdiidka ka baxayey oo habar khadiijo ugu sacaba tumaysay ayuu run mooday iyo waxoogaa reerihiisa ah war hooy caga dhigo nin dhalinyaro ah ayaa tahay loo joojin maayo socon mayso maaul goboleedyadu ma aha xaafado ka mid ah xamer oo aad shaqada ka carin kartid meeshu waa federaal ee ma aha banaadir la soco oo is tartibi deg degu ma fiicna qolyahaan kuu durbaan tumaya ama kuu guulwadaynaya kaa saari mayso hadhow marka runta laysu sheego oo aad ku socoto oo aad kaga faanto xamer 50 milyan ayaan soo qaadanay oo xamer ayaa leh oo aad ku soo qaadateen magaca soomaaliyeed hadana aad u diidaysaan horumarka dowlad gobolyeada waxa ay ka soo heleen mashaariic yeeli mayno oo dhisan maysaan oo dhex dhexaad ayaan nahay hadana fahad yaaseen u dusaayo qader xagee lagu qoraa ha u qaadan inta yar oo kuun sacaba tumaysa oo xamer kula joogta in ay yiheen dawlad gobolyeedyadii.




.




.




.




%d bloggers like this: