DEG-DEG:- Faah-faahino Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Beegsaday Ciidamada AMISOM & Kuwa USA

MUQDISHO(P-TIMES)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qaaday Kolonyo Ciidamada AMISOM la socdeen oo marayay duleedka Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Weydow oo ku dhow KM13.

Wararka ayaa sheegaya in Kolonyada Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee la beegsaday ay ku soo socdeen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Afgooye, waxaana gaariga qaraxa saarnaa uu lagu dhiftay mid ka mid ah kolonyada ciidamada AMISOM.

Gaariga qaraxa fuliyay ayaa ahaa gaari NOAH ah, waxaa la sheegay inuu wadayay ruux naftii halige ah oo beegsaday kolonyada ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare, balse si rasmi ah looma oga, waxaana dad ku dhowaa goobta ay sheegayaan in gaariga qaraxa fuliyay uu muddo wadada dhinaceeda ku sugnaa, isla markaana u muuqday mid sugayay kolonyada ciidamada oo markii goobtii ay soo gaareen uu is qarxiyay.

Al-Shabaab ayaa goor dhow qoraalo ay soo dhigeen baraha Internet-ka ku sheegay in weerar is qarxin ah la beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykanka ah oo ka yimid dhanka Saldhigga Ballidoogle.

Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay mid ka mid ah kolonyada ciidamada oo ay saarnaayeen saraakiil caddaan ah lagu dhiftay qaraxa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM, iyadoo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay dhowr jeer qaraxyo baabuur iyo miinooyin dhulka la geliyay lagula eegtay Ciidamada AMISOM.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment