DEG-DEG:- Faah-faahino Ka Soo Baxaya Duqeyn Caawa Lala Beegsaday Saldhig Ay Lee Dahay Kooxda Al-Shabaab

YAAQ-BARIWEYNE(P-TIMES)-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Sh/hoose ayaa sheegaya in caawa deegaan ka tirsan Gobalkaasi ay ka dhacday duqeyn culus oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka.

Weerarkan ayaa sida ay sheegayaan warar laga helayo gobalkaasi lala beegsaday Saldhig ay Maleyshiyaadka Al-Shabaab ku lee yihiin Degmada Yaaq-bariweyne ee Gobalka Shabeelaha hoose, waxaana weerarkan fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee mareykanka.

Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee Ciidamada Mareykanka kala Shaqeeya dhanka Howlgalada Gaarka ah ayaa Idaacada Ciidamada qalabka sida u Xaqiijiyay in Duqeynta ay ka dhacday  Bar Koontarool oo  Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Yaaqbari weyne.

 Saraakiisha ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-shabaab looga dilay weerarkaan duqeynta ah, dagaalyahano gaaraya ilaa 6, iyadoona laga yaabo in khasaaruhu intaasi ka badan karo.

Weerarka Duqeynta Caawa Diyaaraha Mareykanka ay ka Fuliyeen Degaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kusoo aadaya Xili Maanta war Qoraal ah oo kasoo Baxay Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka lagu sheegay Duqeymo  todobaadkii u danbeeyey ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya lagu Dilay 40 ka Tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

WIXII KA SOO KORDHA LA SOCO WARARKEENA KALE INSHA ALLAH

Comments

comments

Post Comment