DEG-DEG:- Ra’iisulwasaare Kheyre Oo Ku Wajahan Baraawe & Xog Ku Saabsan Safarkiisa

MUQDISHO(P-TIMES)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa inuu socdaal ku tago degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo Madaxtooyada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ku tagayo Baraawe ayaa la xiriira kormeerka ciidamada iyo howl galada dowladdu qorsheyneyso inay dhowaan ku qaado Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ciidan.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday  Baraawe, waxaana ay shalay la wareegeen deegaano hoos-yimaado degmada Baraawe.

Degmada Baraawe oo ah deegaan xeebeed istiraatiiji ah ayaa ka mid aheyd degmooyinkii ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab oo laga saaray dhamaadkii sanadkii 2014.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment