DEG-DEG:- Tirinta Codadka Doorashada Madaxweynaha Somaliland Oo Socota

HARGEYSO(P-TIMES)-Waxaa caawa bilaabatay Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada Madaxweyne ee maamulka Somaliland taasoo maanta ay u dareereen kumanaan dadweyne, iyadoona haatan si toos ah u socota tirintu.

Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xiray 6-dii maqribnimo ee caawa dadka qaar waxay safafka galeen saacado ka hor intaysan furmin si codadkooda horey ugu dhiibtaan.

Dad kabadan 700 kun oo ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddax musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Baraha bulshada ayaa hawada laga saaray degaanada Somaliland si aan loo khal khal gelinin natiijada kama dambeysta ah ee doorashadan oo lagu dhawaaqayo maalmo gudahood.

Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’day, sanadkii 1991, ayaa fileyso in doorashadan ay xoojiso ololaha ay ku doonayaan in lagu aqoonsado inay dal madaxbannaan yihiin.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment