DEG-DEG:- Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Kulan Xasaasi Ah Yeelanaya & Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Kheyre Oo Hor-tagaya

MUQDISHO(P-TIMES)-Xildhibaanada Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ee soomaaliya ayaa goordhow xaruntooda muqdisho ku yeelanaya kulan xasaasi ah, kaasi oo looga hadlayo arrimo muhiim ah, sida xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Ammaanka.

Kulanka Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta waxaa hortagaya Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda xukuumadda kheyre Yuusu Garaad Cumar.

Xildhibaanada ayaa wasiir yuusuf garaad waxaa la filayaa in uu ka hor jeediyo khudbad la xiriirta waxyaabihii u qabsoomay wasaaradiisa & sidoo kale safaradii ugu dambeeyay ee uu ku wehlinayay madaxweynaha JFS Farmaajo.

Sidoo kale Senaterada Aqalka sare ee dalka ayaa wasiirka su,aalo ka weydiinaya arrimo xasaasi ah, sida Xiriirka dibedda iyo Shaqada wasaaradda.

Diyaar garoowgii u dambeeyay ayaa haatan laga dareemayaa Xarunta Aqalka Sare,iyada oo kulankaan ay Warbaahinta Goobjoog ka noqon doonaan.

Dhawaan ayaa Golaha Aqalka sare ee BFS, waxaa hortegay Wasiirka Gaadiidka Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Xasan kaas oo ay wax ka weeydiiyeen Shaqada Wasaaradiisa iyo ammaanka Garoonka Diyaaradaha oo Warbaahinta qaarkood ay baahinayen in ay amnidaro ka jirto.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment