DEG-DEG+XOG:- Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Doorashadii Ka Dhacday Somaliland & Muuse Biixi Oo Ku Horeeya

HARGEYSO(P-TIMES)-Wararka ugu dambeeyay ee aan ka helayno magaalada Hargeyso ee caasimada maamulka somaliland, ayaa sheegaya in ay weli socoto soo xareynta sanaadiikhta codadka ee doorashadii shalay ka dhacday deegaanada somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in ay goor horaba soo dhamaatay Tirinta codad Doorashada,welina lagu gudda jiro hubintii sanaadiikhda, sidoo kale la filayo in saacadaha soo socda lagu soo xareeyo xarunta dhexe ee Komishinka Doorashada Dhamaan Sanaadiikhdii codadka, iyagoona sheegay in Maalmaha Soo socda ay ku dhawaaqi doonaan cida ku soo baxday Doorashada.

Doorashadan oo ay ku Loolamayaan Saddex Musharax ee Xisbiyada Wadani, Kulmiyed & Ucid, ayaa waxaa codeeyay 70,000 Qof, iyadoona sidoo kale laga codeeyay 1,642 Goobood.

Saadaalin la sameeyay markii ay Doorashadu soo idlaatay ayaa la sheegay in uu horeeyo Musharaxa Xisbiga Wadani C/rixmaan Cirro, oo ah nin aad uga siyaasad duwan xisbiga haatan talada haya ee kulmiye iyo Xisbiga Ucid.

Warar aan ka helayno Ilo Xog ogaal ah oo la Hadlay PUNTLAND TIMES, ayaa sheegaya in Codadka Goobaha la soo gaarsiiyay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashada uu ku Horeeyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee haatan Talada Haya Muuse Biixi.

Dhanka Wararka ayaa sheegay in Guriga Musharaxa xisbiga wadani ay Saacado ka hor ay la wareegeen Ciidamo hubeysan, kuwaasi sugaya amniga cirro taasi oo shacabka taageersan Cirro ku abuurtay Hidadiilo Guuleed.

WIXII KA SOO KORDHA LA SOCO PUNTLAND TIMES.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment