Gudiga Doorashada Somaliland Oo U Digay Taageerayaasha Axzaabta Doorashada ,Xilliga Tirinta Codadka Gobolka Marooji Jeex Bilaabaneysana Waa Ay Ku Dhawaaqeend

 

Gudiga doorashada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in tiranta codadka magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobolka Maroodi jeex ay bilaabaneyso maalinta arbacada

Waxa ay qireen in 170 goobo codeyn oo gobolka Maroodi jeex ay bilaabaneyso tirintooda arbacada lagana dhiibtay halkaas 230 kun oo cod

Dhanka kale waxa ay gudiga ka digeen tagaeerayaasha durba bilaabay in ay dabaal deggyo sameeyaan xilli dhankooda aysan si rasmi ah weli ugu dhawaaqin natiijada kama dambeysta ee doorashada

” Talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa ciddii sameysa dabaal degyo waana mid hareersan marsan sharciga iyadoo aan lagu dhawaaqin natiijada rasmiga taasi isku dhacyo ayay keeni kartaa ” ayay yiraahdeen gudiga doorashada

Comments

comments

Post Comment