Kullan Kacdoonka Nabadda Loogu Magac Daray Oo Maanta Ka Dhacaya Muqdisho , Hal Ku Dhig Cajiib Leh Ayuu Wataa Shirkaan

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan qori wadan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabanaya kacdoon nabadeed, ujeedkoodana waa sidii shacabka loogu baraarujin lahaa in ay nabada wadajir uga shaqeeyaan.

Dhallinyaradan ayaa ka shaqeeynaya Buundadii isku xiri laheyd laamaha ammaanka iyo bulshada.

Waana nidaam ka jira dhammaan dunida horumartay ee ammaanka ku naaloota.

“ Waxaa aragto ee ammaanka khatar ku ah sheeg, inta aysan noloshaada galaafan” intaasi ayaa gundhig u ah ololahan.

Ololahaan Kacaanka Nabadda ayaa maanta ka dhacaya Hull -ka Sahal ee magaalada Muqdushi saacadda marka ay tahay 3 galabnimo

Comments

comments

Post Comment