Sawiro : Dowlada Somaliya Oo Soo Bandhigtay Rag Loo Qabtay In Ay Ka Dambeeyeen Weerarkii Zoobe ,Qaarkood Shirkadda Hormuud Ayay U Shaqeeyaan

Dowladda ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa 14ka October, waxaana  arintaan bartiisa facebook shacabka kula wadaagay wasiirka warfaafinta Somaliya ee  Eng Yariisow.

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –

2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado

3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.

4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo. 

5. Abdullahi Abdi Warsame 

Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji) –

Waxaa xusid mudan in Abdiweli Ahmed oo lagu sheegay in qaraxyada gobolka Banadir madax ka ahaa uu ka mid  yahay shaqaalaha shirkadda Hormuud ee xarunteeda Zoobe sida Puntlandtimes ka soo xiganeyso ilo wareedyolagu kalsoonaan karo

Xigasho : Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow.

Comments

comments

Post Comment