Ciidamada Puntland oo burburiyey goobo Doorasho oo laga sameeyey G Cayn & Cabsi dagaal.

BUUHOODLE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn ayaa sheegaya in ay ciidamada DIfaaca ee kusugan deegaanka Ceegag ay fashiliyeen goobo la doonayey in lagu qabto Doorashooyinka Somaliland.

Ciidamada ayaa qabtay baabuur laga soo buuxiyey dad gaaraya 300 oo qof, kuwaas oo hadda lagu soo bandhigayo magaalada Buuhoodle.

Dadkan ayaa laga keenay dhinaca magaalada OOG ee gobalka Togdheer, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Buuhoodle.

Saraakiil katirsanaa guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa diiday xaqiijin dhacdadan cusub, wuxuuna sheegay in ay qiimeynayaan dhacadada cusub.

Wararka ayaa cadeynaya in la qabtay kaararkii cod-bixinta ee Somaliland, taas oo ka dhigan in la fashiliyey Isku daygii ugu horeeyey oo ay soo qaadeen Guddiga Doorashada ee Somaliland.

FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

Comments

comments

Post Comment