WAR DEG DEG AH: Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo qabtay Shir Jaraa’id oo deg deg ah.

Hargeysa,(P-TIMES)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo hada hadlay waxay sheegeen in ay bilaabatay wejigii labaad ee tirinta iyo hubinta codadka la dhiibtay oo ah in sanaadiiq iyo codadkaba lagu celiyey degmooyinkii iyo goobihii markii hore laga codeeyey si loo hubiyo. Kadibna natiijadasi lagu soo celiyo hadana xarunta dhexe ee guddiga ee Hargeysa hadana la isu eego labada tiro, la saxo wixii khaldan , la hubiyo wax walbo.

Guddigu wuxuu sheegay in wixii cabasho ka timaado ama xisbi ama labo oo aan hada badneyn sanduuqaasi gaar loo dhigay oo isagana la hubiyo , inkasta oo ay sheegeen inaan cabasho xoogan ka iman qaabka hufan ee ay wax u socdaan.

Guddiga waxaa la weydiiyey waxa ka jira magacyo degmooyin iyo codad la sheegay inay kala heleen Xisbiyadu oo lagu baahiyey warbaahinta qaar, waxaa ay sheegeen Guddigu in Xisbi kasta uu ka joogo qof u tirinaya codadka laakiin uusan ogaan karin guud ahaan tirada degmooyinka , Gobolada iyo Xisbi kasta helay, sidaasi darteed laga feejignaado in la faafiyo tirooyin la leeyahay Xisbiyada ka kala helay degmooyinka iyo Gobolada.

Waxaa la weydiiyey Guddiga waxa ka jira inay Ciidamada Amnigu xireen Xubno Xisbiyo metelayey, waxay sheegeen in Amniga la sugayo laakiin illaa hada aysan jirin guddoomiyayaal ama masuuliyiin Xisbi oo la xiray.

Xiliga Natiijada lagu dhawaaqayo oo la weydiiyey waxay sheegeen inaytahay sidii hore ay u shaaciyeen Shan illaa Lix maalmood, waxay sheegeen in cabashooyinku ay daahin karaan inta la saxayo , laakiin natiijada rasmiga ah ay iyagu ku dhawaaqi doonaan marka ay tirinta iyo hubinta mariyaan qaabkii loogu talagalay.

Waxay ka digeen waxyaabo la iska qoro iyo warar been abuur ah. oo ay sheegeen inay amniga wax u dhimayso hadii xisbi iska dabaal dego , oo ay sababna u tahay natiijooyinka beenta ah ee la faafinayo.

Comments

comments

Post Comment