Iska horimaad hubeysan oo goor dhaw ka dhacay deegaan kamid ah gobalka Sool

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in uu dhacay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyo ka soo horjeeda in doorashadaas laga hirgaliyo Nugaasha gobalka Sool deegaanada loo yaqaano.

Wararka ayaa sheegaya in ay ciidamadan hubeysan ku guuleysteen in ay dib u celiyaan Kolonyo gaadiid dagaal ah oo galbinaysay Sanaadiiqda Doorashada oo la doonayey in la geeyo deegaano kamid ah gobalka Sool.

Warar madax banaan ayaa u sheegay Puntlandtimes in ay maleeshiyadan ka soo jeedaan degmada Taleex ee gobalka, isla markaasna ay si cad u diideen in Sanaadiiqdaas la geeyo deegaanadooda.

Khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan ayaa kooban, waxaana jira xiisad colaadeed oo laga cabsi qabo in ay dib uga dhacaan deegaankaas.

Puntland & Somaliland ayaa saacadihii ugu dambeeyey xiisadaha u dhaxeeyaa ay kordheen, taas oo ka dhalatay ka dib markii ay doorashooyinka loo madlan yahay Somaliland doonayso in ay ka hirgaliso deegaano kamid ah Puntland.

Comments

comments

Post Comment