WAR DEG DEG AH:- Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

MUQDISHIO(P-TIMES)-Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho, ayaa sheegaya in qarax xooggan oo ismiidaamin ah uu ka dhacay duleedka magaalada muqdisho.

Qarax oo ka dhacay deegaanka Garas-baaley, ayaa sida la sheegay waxaa lala beegsaday Kolonyo Baabuur ah, oo ka dirsan kuwa Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Qaraxan Ismiidaaminta ah ayaa loo adeegsaday Gaari la Sheegay in Uu yahay NOAH, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida laga helayo ilo ku dhow goobta qaraxu ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay khasaare isigu jira dhimasho, waloow aan la sheegi karin inta uu gaarsiisay yahay, iyadoona la sheegay in khasaaraha uu sidoo kale soo gaaray Dad shacab ah oo wadada isticmaalayay.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA INSHA ALLAH

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment