WAR DEG DEG AH:- Tirinta Cododka Doorashada Somaliland Oo Soo Gaba-gabowday & Sadaalintii Ugu Dambeysay

HARGEYSO(P-TIMES)-Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanada maamulka somaliland, ayaa sheegaya in uu soo idlaatay Tirinta codadka guud ahaan goobaha cod-bixinta.

Tirinta codadka ayaa soo gaba-gaboowday Saacado ka hor sida ay Ku soo warmayaa saxafiyiinta ku sugan Deegaanada somaliland.

Guddiga ayaa sheegaya in ay soo idlaatay tirinta codadka1,642 Goobood ee lagu codeeyay, waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda loo soo gudbiyo xarunta weyn ee guddiga doorashooyinka Maamulka somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan cida ku guuleysatay Xilka madaxweynaha maamulka Somaliland, balse ma cayimin xiliga rasmiga ah ee ay ku dhawaaqi doonaan, iyagoona sabab ugu dhigay in ay doonayaan in cid walba iyo musharax kasta oo wax tabanaya ay qanciyaan inta aan lagu dhawaaqin doorashada.

Doorashada madaxweynaha maamulka somaliland, ayaa waxaa ku loolamaya sadex xisbi oo kala ah, Wadani, Kulmiye & Ucid.

Sadaalin la sameeyay ayaa sheegaya in Shacabka somaliland intooda badan ay codkoodii siiyeen Musharaxa xisbiga Wadani C/rixmaan Cirro, sida ay sheegayaan Saxafiyiinta ku sugan deegaanada somaliland.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment