XOG CUSUB+SAWIRRO: Puntland oo soo qabtay Ajaaniib & Gaadiid Casri ah oo si qarsoodi ah ku soo galay gudaha Puntland

GAROOWE(P-TIMES) – Dawladda Puntland ayaa ku guuleysatay in ay qabato Ajaaniib fara badan iyo gaadiid casri ah oo sifo aan sharci aheyn kusoo galay gudaha Puntland, isla markaasna tagay degmada Xaafuun ee gobalka Barri, iyadoo aysan jirin xog buuxda oo laga hayo howlaha u yimaadeen Puntland.

Ciidamada dawladda ayaa ku guuleystay in Ajaaniibtan iyo gaadiidkii ay wateen ay soo galiyaan magaalada Garoowe, waxayna wataan gaadiidkii ugu casrisanaa ee aan wali gudaha Soomaaliya la keenin.

Ajaaniibtan ayaa la rumeysan yahay in ay sadex maalmood kahor kasoo dageen magaalada Berbera ee Somaliland, oo ay xili habeen ah ka soo baxeen, kana gudbeen inta badan baraha Amni baarida ee gobalada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ay galbinayeen gaadiid dagaal oo loo ekaysiiyey kuwa ciidamada difaaca ee Puntland, waxana la geeyey degmada Xaafuun.

Saraakiil katirsan dawladda Puntland ayaa laga soo dheegtay in Ajaaniibtan ay yihiin kuwa inta badan ka shaqeeya Arrimaha Taariikhaha, ayna wataan agabyada inta badan lagu baaro Taariikhda iyo Diyaaradaha Kaamarooyinka meelaha fog wax ka duuba.

Laakiin majirto faahfaahin dheeraad ah oo ilaa hadda ka soo baxday dawladda Puntland, marka laga reebo in ay hadda kooxahan ku jiraan gacanta dawladda Puntland, iyadoo ay hadda baaris socoto.

Sawirro iyo macluumaad lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiidka ay wataan oo ah nooca aanu xabadu Karin, gaar ahaana baabuurta loo yaqaan Hummer-ka oo aan si fudud looga helin gudaha dalka Soomaaliya.

Inta badan dadka aan u dhalan Soomaaliya ee soo galaya Puntland ayaa laga doonayaa Sharuudo muhiim ah oo ay ka mid tahay ogolaanshaha oo ay bixiso Wasaaradda Amniga ee dawladda, ka horna ay soo maraan wasaaraddaha iyo Hay’addaha ay u imaanayaan ee kusugan gudaha mandiqada.

Comments

comments

Post Comment