XOG MUHIIM AH:- Al-Shabaab Oo Dooneysa In Ay Ku Soo Duulaan Puntland & P-TIMES Oo Heshay Xogo Ku Saabsan

GAALKACYO(P-TIMES)-Xogo Lagu Kalsoon yahay oo ay Helayso PUNTLAND TIMES, ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka Tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay qorsheynayso in ay u soo Gudbaan dhinaca Buuraleyda Gobalada Bari Iyo Sanaag, oo ay haatan u arkaan halka kaliyah ee ay ugu bad-baadi karaan Duqeymaha aan joogsiga laheyd ee uu haatan Mareykanku la Beegsanayo Kooxdan Taagta daran ee UGUS.

Xogtaan ayaa qiraysa in Maleeshiyaad Badan oo ka Tirsan Kooxda Al-shabaab, ee ka soo cararaya koonfurta Soomaaliya, haatan lagu aruurinayo Koonfurta Gobalka Mudug, gaar ahaan Degmada Xagar-dheer iyo Deegaano kale oo hoos-taga Degmadaasi.

Maleeshiyaadka Al-Shabaa ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay Afduubanayay Doonyaha ku Soo Xirta Xeebaha Deegaanada ay ka Arrimiyaan, iyadoona ay Ugu Dambeysau Doontii ay ka afduubteen Xeebta Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug ee dhinac Galmudug.

Al-Shabaabkan lagu Diyaarinayo Koonfurta Gobalka Mudug, ayaa uu qorshahoodu yahay in ay u Gudbaan Buuraleyda Cal-miskeed iyo Col-madow, oo ka kala Tirsan Gobalada Bari Iyo Sanaag, Waxaana Laga Soo Saarayaa Doonyo Degmada Xagar-dheer Ee koonfurta Gobalka Mudug.

Maleeshiyaadkan ayaa Tiradooda lagu sheegay in ay yihiin Boqolaal, waxaana Xogtu sheegaysaa in ay u badan yihiin kuwo ka soo cararaya Gobalada Shabeelooyinka iyo Bakool, oo ay Bilihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen Duqeymo isdaba joog ah oo ay ciidamada Diyaaradaha Mareykanku Fulinayaan.

Al-Shabaab Oo Duulaan Ah.

Dhinaca kale, PUNTLAND TIMES ayaa Ogaatay in Xubno sar sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, in ay doonayaan in ay soo Galaan Deegaanada Puntland, iyagoo iska Dhigay Dad Shacab ah, waxaana Qorshahoodu uu yahay in ay u Gudbaan Dhulka Buuraleyda ah.

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ee Dagaalka Tooska Ah, kula jira Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan daaha ka qaaday in Maleeshiyaadka al-shabaab oo looga Soo tabar roonaday Qeybo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, ay soo Galeen Qeybo ka tirsan Gobalada Galgaduud iyo Mudug, oo uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay Hay’adda Sirdoonka Puntland u soo gudbisay in boqolaal ka mid ah Al-shabaab oo doonayaan in ay galaan Buuraleyda Golis, kuna soo wajahanyihiin degaannada Puntland

Sarkaalkan oo Magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in xogta la siiyay ay muujineyso in xibnaha Al-shabaab ee ku wajahan Golis ay shacab ahaan ku gelayaan degaannada Puntland kaddibna ku biirayaan faraca AL-shabaab ee Golis ka howlgala.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab, ayaa Bishii Maarso 2016-kii, Soo gaaray Deegaanada Puntland gaar ahaan Deegaano Xeebeedka Gobalada Mudug Iyo Nugaal, iyagoona Jab xooggan kala kulmay Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, oo Cakta Mariyay Maalmo ay Go’doon saareen Ka Dib.

Toga Suuj Oo Ay Galeen Al-Shabaabkii Ku Soo Duulay Puntland

Waxaana Dagaalkaasi Oo Lagu Magacdaray “Suuj Iyo Garmaal” Al-shabaab ka soo gaaray Jabkii ugu Xooganaa,iyadoona laga Dhigay Wax la laayay, Wax Lagu Qabtay Nolasha iyo Inyar oo Iyagoo naf la caariya ka Gudbay Soohdin ay wadaagaan Puntland iyo Galmudug.

 

Ciidamada Puntland Oo Ku Jira Dagaalkii Suuj Iyo Garmaal
Maxaabiistii Al-Shabaab Ee Lagu Qabtay Dagaalka

Mareykanka ayaa Siyaadiyay Duqeymaha Cirka ah iyo Weerarada Qorsheysan ee ay Wada Fulinayaan Ciidamadiisa iyo Ciidamada DANAB, ka dib markii Uu Madaxweyne Donald Trump Ku Dhawaaqay in Koonfurta Soomaaliya ay Tahay Goob Dagaal.

Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan muuqata mid ka Fakareysa Cawaaqib Xumada ka Dhalan doonta Hadii ay Maleeshiyaad Biimo ah u soo Dirto Deegaanada Puntland, Oo Marar badan oo argagixisadu ku soo duushay laguna Jabiyay.

Madaxweynaha Puntland Oo Booqday Dhulkii Lagu Jabiyay Al-Shabaab

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, ayaa haatan ku Jira Heegan, waxaana ay Howl-galo Lagu Baacsanayo Kooxaha Argagixisada Ah Ka Wadaan Dhulka Buuraleyda Ah, Iyagoona Sidoo kale Ciidamada Badda Puntland “PMPF” ay howl-galo lagu xoojinayo amniga ka Bilaabeen Deegaan Xeebeedyada Gobalada Mudug Iyo Nugaal.

Ciidamada Badda Puntland Oo Howl-galo Ka Sameeyay Xeebaha Gobalka Mudug

U GAAR AH PUNTLAND TIMES.

PUUNTLAND TIMES

Halkaan Ku Qor Fikirkaada