XOG MUHIIM AH: Yaa lagu dilay Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Buuraleyda Gobalka Barri ee Puntland?

BOOSAASO(P-TIMES)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka fuliyeen deegaanka Buqa oo ah dhul buuraley ah, masaafo u jirta magaalada Qandala ee gobalka Barri.

Duqeyntaas ayaa dhacday labo jeer oo kala ahayd saqdii dhexe ee habeenkii Jimcaha iyo barqadii shalay, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanadaas.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in la weeraray labo goobood oo ay ku kala sugnaayeen xubno katirsan DAACISH-ta kusugan buuraleydaas.

Talisku wuxuu sheegay in ay darsanayaan khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ay ku hayaan hubin dheeraad ah, sidaas awgeedna aysan ka hordhici doonin.

Warar hordhac ah oo laga helayo deegaanadaas ayaa sheegay in lagu dilay weerarkaas xubno muhiim ah oo katirsanaa DAACISH, isla markaasna ay ku jiraan labo kamid ah ragga ugu sareeya.

Deegaanka la weeraray xiliga barqanimada shalay ayaa la sheegay in uu kusugnaa horjoogaha kooxdan Cabdulqaadir Muumin, isla markaasna la maqlayay jugta culus ee ay diyaaraduhu kurideen buuraleydaas.

Xogaha hoose ayaa cadeynaya in maleeshiyada kooxdaas ay rasaas badan rideen wax yar ka dib, markii la maqlay duqeynta diyaaradeed, taas oo u muuqanaysa jahawareer baahsan oo ku yimdi gudahooda.

Jaamac Maxamed Quurshe ooa h gudoomiyaha degmada Qandala ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ay hayaan xogo kooban oo cadeynaya in khasaare balaaran soo gaaray kooxda la weeraray, wuxuuna sheegay in ay shir ku lahaayeen deegaanka Buuqa.

60KM ayay buuqa u jirtaa magaalada Qandala, waxaana maalmihii lasoo dhaafay soo baxayey xogo cadeynaya in ay kooxdaas isku aruursanayo goobtaas oo ay doonayso in ay ka abaabusho duulaan ay ku qaado ciidamada Puntland.

Haddii ay dhabowdo in la dilay horjoogaha kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin oo horey uga goostay Al- Shabaab, waxay uga dhigan tahay kooxdaas jahawareer xoog leh oo soo wajahay waqtigan, sidaas oo kale duulaamada cirka ah ayey u arkaan mid aysan awood u heysan.

Comments

comments

Post Comment