DAAWO SAWIRADA:- Qaxootigii Ugu Badnaa Oo Soo Gaaray Marsada Boosaaso

BOOSAASO(P-TIMES)-Marsada Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, waxaa maanta soo gaaray Qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo cararay colaada baahsan ee ka jirta Dalka Yemen.

Dadkaan oo ka soo qaxay collaadaha dalka Yeman ee maanta yimid ayaa gaaraya 210 qof kuwaas oo ay siday hal doon ah, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland.

Dadkan soo qaxay Waxa si ku meel gaar ah loo dejiyey xerada qaabilaada dadka qaaxootiga ah oo ay gacanta ku hayso wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowladda Puntland ee ku taal qaybteeda magalada Boossaaso.

Dalka Yemen ayaa waxa ka socda dagaalo aan kala joogsi lahayn,kuwaas oo u dhaxeeya Kooxo isku haya Xukunka dalka Yemen.

Dagaalka ka socda yemen ayaa haatan ka cuslaaday kuwii hore, ka dib markii la dilay Cali Cabdalla Saalax oo ahaa madaxweynihii hore ee Yemen, waxaana dagaalku haatan yeeshay Waji Cusub.

SAWIRRO.

PUNTLAND TIMES

Leave a Comment