DEG-DEG+FAAH-FAAHIN:- Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Puntland Oo Ku Geeryooday Qarax Ka Dhacay Gaalkacyo

GAALKACYO(P-TIMES)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka helayno magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudu, ayaa Sheegaya in Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska puntland uu ku geeryooday Qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Qaraxan oo ka dhacay Aaga Madaxtooyadda cusub ee Dowladda puntland ka dhisayso Gaalkacyo, oo aan wax badan ka fogeyn suuqa Gaalkacyo, ayaa la sheegay in gaarigiisa loogu xiray Sarkaal lagu Magacaabo Cali Magafe, kaasi oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada booliska Gobalka mudug ee Puntland.

Goobjooge ayaa  PUNTLAND TIMES, u sheegay in Jirka Sarkaalka uu labo qeybood u kala go’ay, isagoona ku geeryooday goobta.

Ciidamada Ammaanka ayaa goobta Gaaray, waxaana Socda Baaritaano la Xiriira ciidii ka Dambeysay Qaraxan.

Ma jirto wax wara oo ka soo baxay Taliska qeybta Booliska ee Gobalka mudug, iyo Maamulka Gobalka, waxaana wararku sheegayaan in saacadaha soo socda laamaha amnigu la hadli doonaan Warbaahinta.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment